Israel & Ruushka oo ay ka tafatay & gantaalaha S-300 oo markii ugu horreeysey lagu ridey dayuuradeheeda

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Hal qonox oo ah S-300 oo yaalla dalka Syria ayaa ugu yaraan hal gantaal oo dhul-ka-cir ah ku ganay dayuurad ay Yuhuuddu leedahay oo ah nooca F-16 maalmihii yaraa ee tegey.

Arrintan oo ugub ah ayaa noqonaysa markii ugu horreeysey ee hannaankan Ruush-sameega ah ee S-300 lagu rido dayuuradaha Israeli-ga ah tan iyo markii ay Ruushku ku dhawaaqeen inay Moscow agabkan ku qalabaysay ciidamada Suuriya 2018-kii.

Cidda sida saxda ah ugu shaqeysa nidaamka S-300 ee hadda Suuriya yaalla, weli ma cadda. Waxaa se la og yahay in Ruushku uu dusha ka maamulo, ama ugu yaraan, uu go’aamiyo sii daynta gantaalaha ka imanaya baytariyadan S-300 ee dalka Suuriya.

Natiijo ahaan, batariyadaas iyo nidaamyada Ruushka ee S-400 iyo S-300 ee yaal saldhigga ciidanka badda ee Tartus iyo Saldhigga Cirka ee Khmeimim ee u dhow Latakia, midkoodna abid laguma ridin miigagga Israa’iil ee soo gelayey hawada Suuriya, ugu yaraan ilaa hadda.

Hilinka Israeli-ga ah ee Channel 13 ayaa tebiyey in hannaanka ‘Ruushka ee S-300 SAM” lagu ganay diyaaradaha Israel kaddib markii ay duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaalla woqooyi galbeed Suuriya Jimcihii, iyagoo sheegay in Moscow ay iyadu weli go’aamiso in la ridayo iyo cidda lagu ridayo gantaalaha ay siisay Suuriya ee S-300.

Sida aan horayba u sheegnayna, ilaa hadda ma cadda in gantaalaha S-300 ee la sheegay in lagu soo ridey diyaaradaha Israa’iil ay leeyihiin ciidamada Ruushka iyo kuwa Suuriya, balse caadiyan, arrintani wax farqi ah uma samaynayn Israel.

Israel weli kama hadli arrintan.

Hadalsame Media