KASHIFAAD: Xildhibaanad Maraykan ah oo daboolka ka rogtey arrin ku hoos qarsan balaayiinta doollar ee dalkeedu ”siinayo” Ukraine (Daawo)

0

(Washington, DC) 18 Maajo 2022 – Taageerada maaliyadeed ee Maraykanku siinayo Ukraine ayaa waxay u egtahay mid aad u badan balse “waa qorshe lacagtaa lagu dhaqayo,” sida ay sheegtay Wakiilka Marjorie Taylor Greene ee Georgia ku metesha Koongarayska (R-GA) u sheegtay barnaamijka ‘The Truth With Lisa Boothe’.

Lacagta loo malaynayo in loogu talagalay dadka reer Ukraine waxay ku dhammaataa jeebabka “NGO-yada aan dowliga ahayn” oo inta badan ay maamulaan dadka ku dhow siyaasiyiinta Washington, ayay ku doodaysaa Greene oo sidoo kale munaafaqad ku tilmaantay sida uu Maraykanku u hagraday dalalka kale ee ay dhibaatooyin ka daran kuwa Ukraine ka dheceen.

“Waxay rabaan in ay $40 bilyan oo doollar u helaan Ukraine oo marka lagu biiriyo kharashkaadka horay loo siiyey tirada guud gaarsiinaysa $53 bilyan oo doollar. Taasi waa in ka badan saddex meelood labo meel dhammaan miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee sanadka oo dhan,” ayay tiri haweenaydan oo tixraacaysa xirmo ah gargaarkii ugu dambeeyey ee hadda maraya Senate-ka Maraykanka.

Sida laga soo xigtey Greene, saraakiisha Maraykanku waxay tan u sameynayaan si ay ugu dambayntii u maalgeliyaan NGO-yo ay maamulaan “qoysaskooda iyo asxaabtoodu.” “Asal ahaan waa sida nidaamyada lacagta lagu tahriibiyo oo sahlan.” ayay tiri iyadoo xustay in canshuurtii ummadda qaabkaa lagu xadayo.

Hadalsame Media