Ruushka oo markii ugu horreeysey debciyey mowqifka uu ka taagnaa in Sweden & Finland ay NATO ku biiraan + Sababta

0
Press conference with NATO Secretary General Jens Stoltenberg, the Minister for Foreign Affairs of Finland, Pekka Haavisto and the Minister for Foreign Affairs of Sweden, Ann Linde

(Moscow) 17 Maajo 2022 – Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta hamiga NATO ee Ukraine ay uga walaacsanaayeen Ruushku marka loo eego kuwa Finland iyo Sweden, oo Axadii si rasmi ah u shaaciyey inay raadinayaan inay ku biiraan isbaheysiga millateri ee uu hogaamiyo Maraykanku ee NATO.

“Ma jiro wax khilaaf dhuleed ah oo nagala dhexeeya Finland iyo Sweden midkoodna. Marka se la eego Ukraine waa kiis uu Ruushku ku doodayo muran dhuleed oo iyaga kala dhexeeya,” ayuu Peskov u sheegay suxufiyiinta Isniintii.

Waxa uu ula jeedaa jasiirad u ekaha Crimea oo uu Ruushku goostay sannadkii 2014-kii, isagoo xusay in hubinta in Ukraine ay noqoto dowlad dhexdhexaad ah oo aan waligeed ku biirin NATO ay tahay mid ka mid ah sababaha ugu waawayn ee wax uu ku tilmaamay ”howlgalka millateri” ee dalkaas ka socda.

Yeelkeede, Moscow waxay la socotaa is balaarinta suurtagalka ah ee ugu dambeysey ee NATO iyo “sida ugu fiican” ee loo qiimeeyn karo cawaaqibkeeda amniga qaranka Ruushka ay arrintaasi ku yeelanaso, afhayeenku wuxuu tilmaamay.

“Kuma qanacsanin in ku biiritaanka Sweden iyo Finland [oo iyadu Ruushka la wadaagta 1,340-km (832-mayl) oo soohdin dhuleed ah] ay si uun u xoojinayso ama u wanaajinayso qaab dhismeedka amni ee qaaraddeena.” ayuu yiri Peskov.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa intii uu socdey dagaalkii qaboobaa waxa ay ka baaqsadeen ka mid noqoshada xulafadii uu Maraykanku hoggaaminayey, balse hadda dowladohoodu waxa ay ku andacoonayaan in colaadda ka taagan dalka Ukraine ay u noqotay mid bedeshey ra’yigoodii dhexdhexaadka ahaa.

Norway oo ka tirsan dalalka Scandinavia ee xadka la leh Ruushka ayaa horayba uga mid ahayd NATO, halka Sweden aysan wax xad dhuleed ah oo toos ah la lahayn Ruushka.

Hadalsame Media