Maxaa dhacaya haddii uu Ruushku weeraro Sweden & Finland (Imisa dal ayaa ballanqaadday inay usoo gurmanayaan?)

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Dalalka Denmark, Iceland, iyo Norway ayaa ku biiray tiro sii kordheysa oo dalal ah oo ballanqaadyo difaac ah siinaya Sweden iyo Finland, kuwaas oo labaduba si rasmi ah u bilaabay dalabka xubinnimada isbahaysiga millaiteriga NATO.

Iyadoo la tixraacayo Helsinki iyo Stockholm “xaqa ay u leeyihiin inay doortaan siyaasadooda amni” sida dal kasta oo madax-bannaan, saddexdan waddan ee Yurub waxay ku dhawaaqeen Isniintii inay difaaci doonaan Sweden iyo Finland haddii ay dhacdo in lasoo weeraro inta ay ku jiraan marxaladda gudbinta codsiga NATO.

”Amniga Finland iyo Sweden waa arrin na wada khuseeysa dhammaanteen. Haddii Finland ama Sweden ay dhibanayaal u noqdaan weerar gardarro ah oo lagu qaado dhulkooda kahor inta aysan helin xubinnimada NATO, waxaan ka caawin doonnaa Finland iyo Sweden wax kasta oo lagama maarmaan ah,” ayay ku yiraahdeen bayaan ay si wadajir ah u soo saareen, iyagoo raaciyay “in ay si degdeg ah u bilaabi doonaan diyaargarow si loo dhaqan geliyo hubinta amniga dalalkan.”

Damaanad qaadkan cusub ee difaaca ayaa yimid maalintii shalay ahayd oo ay Sweden si rasmi ah u shaacisay in ay codsanayso xubinnimada NATO, maalin uun kaddib markii dalka ay dariska yihiin ee Finland uu sidaas oo kale sameeyey.

Hogaamiyeyaasha labadan dal oo dhexdhexaad ahaa ayaa walaac ka muujiyey weerarkii Ruushka ee Ukraine dabayaaqadii bishii Febraayo, iyaga oo ku andacoonaya in uu asal ahaan bedelay jawiga ammaan ee gobolka.

Waxaa horay iyaguna inay usoo gurmanayaan dalalkan si ka duwan Ukraine ballanqaaday Maraykanka iyo Ingiriiska, xilli uu Ruushku dhowr mar ku gooddiyey tillaabo rogaal ah haddii ay dalalkani ku biiraan NATO.

Hadalsame Media