Fal-celinta shacabka Kenya ee doorashada madaxwaynaha cusub ee DF Somalia

0

(Muqdisho) 16 Maajo 2022 – Waxaa xalay Teendhada Afisyooni kusoo dhammaatay doorashadii lagu xulayey madaxwaynaha cusub ee DF Somalia oo ay isu taageen 39 musharrax.

Waxaana doorashadan dadban oo ay codka dhiibanayeen Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamanka 11-aad ee dalka 214 ku helay Xasan Sh. Maxamuud oo wareegga ugu dambeeya uga adkaaday Maxamed C. Farmaajo oo helay 110 cod.

Haddaba, waxaan idiin haynaa fal-celinta qaar ka mid ah shacabka Kenya ay ka bixiyaan doorashada Somalia.

“Hambalyo Madaxweynaha la doortay, waxaan rajaynayaa in madaxda dowladda ee ay khuseyso ay gacan ka gaysan doonaan qaadista xayiraadda Qaadka ee Soomaaliya taasoo jilbaha u dhigtay dhaqaalaha Igembe, ayuu soo jeediyey Meeme Moses.

“Hambalyo wacan oo wanagsan walalaha Jamhuuriyadda Somalia sida ay u doorteen hogbaan cusub,” ayuu yiri Vincent Kinyua.

“Laakiin Kenya xitaa taako ka mid ah dhulkeeda kuma wareejin karto Soomaaliya,” ayuu ka digey Nicholas Muge.

“Madaxda Somalia ee tartamaysa waxayba deggan yihiin Nairobi ee ma halkan ayay ka shaqaynayaan?!” Ayuu is waydiiyey Joseph Kiiru.

“Waxaan Somalia u baryayaa inay nabad waarta hesho,” ayuu ku duceeyey Paul Collins.

“Orod aad Somalia oo fashilantay intaad Kenya qasi lahayd,” ayuu Freddie Nelson usoo qoray Ducaale oo u hambalyeeyey Xasan Sh.

Hadalsame Media