Maxay yihiin labada arrimood ee GALAAFTAY rajadii AAW-gu ka lahaa xafiiska dalka ugu sarreeya?!!

0

(Hadalsame) 17 Maajo 2022 – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa markii 3-aad ku hungoobey doorashada madaxtinnimada Somalia kaddib markii uu ku haray wareegga 1-aad isagoo helay 15 cod oo qura, haddaba maxaa khaldamay?!

Dabcan way jiri karaan sababo badan qaar la ogyahay iyo kuwa qarsan intaba, balse waxaan eegaynaa inta laga war qabo labada ugu sii daran ee dad badan u muuqdey xitaa kahor inta aysan doorashadu qabsoomin.

1 – Waxaa ololaha AAW-ga dhammaadkii soo galay wax u eg in qaab qabiil loogu ololaynayo, haddii cadaalad loo hadlo kaligii arrintaa ma samaynin balse isagu wuu muujiyey, iyadoo ay dhallinyaro isaga u ololaynaysey oo aan waaya arag ahayni faafinayeen sawirro ay ku sheegayaan in beeli wax siinayso, taasoo aan dhadhan iyo ishaaro fiican siinin qaddiyaddiisa kursi raadinta. Ninku xil ummadeed ayuu doonayey e ugaasnimo ma raadinaynin, marka beeli wax badan kuma kordhin karteen marleeyba.

2 – Wuxuu soo bandhigay siyaasiyiin aan wax badan ku kordhinaynin qaddiyaddiisa oo uu leeyahay aniga ayay ii ”tanaasuleen”, tiiyoo ay dadku fahmi karayeen inay ahaayeen rag iyaguba meel is gayn kari waayey, taasina waxay bixisay sawir kale oo ah inuusan odaygu wax badan haynin. Ninka aad kabo ka tolayso kuwiisa karan eeg.

Labadaa arrimood ayaa markii lagu daro arrimo kale sida dhanka maaliyadda iwm maadaama doorashada la iibsanayey waxay galaafteen fursaddii uu AAW-gu ugu dambayn ku heli lahaa hiraalkiisa siyaasadeed ee ahaa in mar uu loogu yeero madaxwayne. Waa 2 qodob oo cashar & cibro u ah isaga iyo inta kale ee berri tartami doonta.

Tifaftirka

Hadalsame Media