”Wuxuu leeyahay 240 dhuumood oo mar qura la ridi karo!” – 2 dal oo Muslim ah oo sameeyey hub cajiib ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 Dalka Imaaraadka Carabta ayaa sameeyey Nidaamka Gantaalaha badan tuura ee Jobaria Multiple Cradle Launcher (MCL), kaasoo ka kooban 240 dhuumood oo ay middiiba ridayso gantaal 122 mm ah.

Hubka ugu wayn ee MCL waxaa samaysay shirkadda Turkiga ah ee Roketsan TR/TRB-122, waxaana gantaalaha ka dhacaya ay leeyihiin qarax sare oo uu midkiiba holcin karo gacan wareegsan 20 mitir, isagoo sita madax uu culayskiisu yahay 40 rodol.

Waxaa la kala duwi karaa nooca gantaalaha iyadoo mar kasta lagu saleeynayo nooca meesha uu bartilmaameedku yahay si ay u yeeshaan ”saamayn isku dhafan”, balse marka la eego in gantaalahan oo 240 xabbo ah hal jiho loo ridi karo waxay mar qura dab ka shidayaan oo rarminayaan dhul aad u ballaaran.

Imaaraadku wuxuu nidaamkan sidoo kale u naqshadeeyey qaab aanu u baahnayn dadka rida oo caadiyan u baahda ilaa 6 gaari oo gaar ah iyo 30 qofood, waxaana ku filan hal gaari oo ku cabbaynaya wax ka yar muddo 30 daqiiqo ah.

Nidaamkan ayaa cuni kara laba nooc oo gantaalo ah oo kala ah: Nooca uu Turkigu dhiso ee TR/TRB-300 “Tiger”, oo wax ka dili kara 75 mayl, iyo midka Chinese-ku sameeyo ee A300 oo tiiro ahaan gaari kara ilaa 180 mayl.

Hannaankan MCL ayaa la rumaysan yahay in Imaaraadku ay si rasmi ah ugu adeegsadeen dagaalka ay ku qaadeen Xuutiyiinta Yaman, tan iyo markii si rasmi ah loo howlgeliyey 2013-kii.

Hadalsame Media