TOOS: Weriye caan ah oo Al Jazeera ka tirsan oo la diley & mid kale oo dhaawac ah + Sawirkiisa

0

(Quddus) 11 Maajo 2022 – Ciidamada Israel ayaa toogtey oo dilay weriye sare oo ka tirsan Aljazeera/da Carabiga intii lagu guda jirey weerar ay ciidanku Arbacadii ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Jenin ee Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay wakaalad wareed Qadar fadhigeedu yahay iyo Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.

Shireen Abu Akleh oo xiran jaakada saxaafadda oo si waadax ah loo arki karo ayaa madaxa laga toogtey intii ay ka waramaysey duullaanka waxaana loo gudbiyey isbitaalka Ibn Sina halkaas oo lagu xaqiijiyey in ay dhimatay.

Sidoo kale weriye kale oo ka tirsan Al-jazeera oo lagu magacaabo Cali Asmoadi ayaa isna ku dhaawacmay rasaasta lagu furay, xaaladiisuse way wanaagsan tahay hadda.

Weriyaha Middle East Eye, Shatha Hanaysha, ayaa sheegtay in iyada iyo koox ka kooban lix weriye oo ay ku jirtey Abu Akleh ay wada joogeen goobta markii ay rasaasta kala kulmeen kooxaha wax shiisha (snipers) ee Israa’iil.

Ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyey inay howlgal aroornimadii Arbacada ka fuliyeen xerada qaxootiga ee Jenin oo ay ku xooggan yihiin kooxaha hubeysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan woqooyiga Daanta Galbeed ee xoogga lagu haysto.

Ha yeeshee, Aljazeera iyo hay’ado warfaafineed oo kale oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in dad badan oo goob joogayaal ihi ay xaqiijiyeen in Abu Akleh la toogtey wax yar uun kaddib markii ay soo gaartey xerada qaxootiga ee Jenin mana jirin wax dagaal ah oo ka dhacey meesha oo sabab u noqon karey in rasaasba la rido, iyadoo ay tani ka mid tahay tacaddiyada maalinlaha ah ee ay Yuhuuddu halkaa ka waddo.

Hadalsame Media