”Brexit waxay ahayd musiibo!” – Dadka Ingiriiska ah oo ka shallaaysan ka bixitaanka EU & gobolkii 2-aad oo doonaya inuu ka go’o UK (Daraasad)

0

(Hadalsame) 10 Maajo 2022 – Daraasad ballaaran oo lagu sameeyey muwaadiniinta British-ka ah ee ku nool Midowga Yurub ayaa daaha ka qaadday saamaynta wayn ee ay Brexit ay ku yeelatay noloshooda, iyadoo qaar badan ay walaac xooggan ka muujiyeen luminta xuquuqdii dhaqdhaqaaqa xorta ah iyo xuquuqdii codbixinta ee EU.

Daraasadda oo lagu eegay sida Brexit ay u saamaynayso “dareenka aqoonsiga iyo ka tirsanaanta Yurub,” ayaa lagu sameeyey 1,328 oo muwaadiniin British ah oo hadda weli ku nool waddan xubin ka ah Midowga Yurub/European Economic Area.

Sahanka waxaa sameeyay Jaamacadaha Lancaster iyo Birmingham intii u dhaxaysay Disembar 2021 iyo Jannaayo 2022, sanad kaddib dhamaadka xilligii kala guurka ahaa ee Brexit, waxay muujinaysaa in waloow aysan haatan jirin aragti lagu codsanayo afti kale, misna inta badan dadka waxgaradka ah ee UK ay dareensan yihiin in Brexit uu khalad iyo fashil ahaa, tiiyoo ay 75% dadkii daraasadda ka qaybgalay ay sheegeen inay isu arkaan reer Yurub in ka badan reer UK.

Waxay daraasaddu bixinaysaa aragti ku saabsan arrimo badan oo ay ka mid yihiin qaababka socdaalka, degenaanshaha iyo jinsiyadda waddanka la deggan yahay, saamaynta Brexit ee qorshayaasha mustaqbalka, nolosha qoyska, ka qaybgalka siyaasadda UK iyo EU iyo fahamka aqoonsiga iyo ka tirsananaanta.

Luminta xuquuqda codbixinta ee Midowga Yurub ayaa ah walaac wayn, iyadoo 46% ay sheegeen in aysan mar dambe ka codeyn karin doorashooyinka Yurub ama, inta badan, doorashooyinka maxalliga ah ee waddankooda UK.

Ku dhowaad 42% ayaa sidoo kale awoodi waayey inay ka codeeyaan UK sababtoo ah waxay ku noolaayeen dibedda in ka badan 15 sano, inkastoo tan la filayo inay isbedesho.

Sahanku wuxuu muujiyey dareen xooggan oo ku saabsan saamaynta xorriyadda dhaqdhaqaaqa, oo ay ku jirto in dadka UK aysan haatan awoodin inay u guuraan gudaha dal ka mid ah Midowga Yurub si ay uga shaqeeyaan, ama ay u bedeshaan dal kale xitaa haddii ay deggan yihiin dal ka tirsan EU, waxay arrintani sidoo kale saamaysay dadkii doonayey inay ku howlgabaan oo benshin ku galaan dal ka tirsan EU, halka dhanka joogistu ay haatan kusoo koobantay 90 maalmood oo aad kaliya joogayso hal dal.

SAAMAYNTA MAXALLIGA AH

Lix sano kaDdib markii ay Britain u codeysay in ay ka baxday Midowga Yurub, xisbiga wadaniga ah ee Sinn Fein ee Woqooyiga Ireland ayaa ku guuleystey doorashada toddobaadkan iyagoo wada olole ay kaga go’ayaan UK oo ay kula biirayaan Ireland-ta xorta ah si ay uga mid noqdaan Midowga Yurub iyagoo ah Ireland midaysan.

Brexit ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay doorashooyinkii England, Wales iyo Scotland waxaana sidoo kale Wasiirka Koowaad ee Scotland, Nicola Sturgeon, ay hormuud ka tahay olole ay kaga go’ayaan Boqortooyada Ingiriiska si ay iyana EU dib ugu biiraan.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media