Turkigu muxuu yeelayaa haddii uu Ruushku weeraro dal NATO ka tirsan? (mowqifkiisa oo uu caddeeyey)

0

(Ankara) 03 Maajo 2022 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in NATO aysan wax dan ah ka lahayn faragelinta Ukraine iyo Ruushka, balse waxa uu wacad ku maray in dalkiisa uu ka jawaabi doono weerar kasta oo lagu qaado dal ka mid ah xulafada NATO.

Intii uu dagaalku socday, Turkigu waxa uu isku dayayey in uu isu dheelli tiro xiriirka uu la leeyahay xulafada Galbeedka iyo Ruushka labadaba.

“Mowqifka NATO waa cad yahay. Isbahaysigu ma rabaan inay farageliyaan colaadda Ukraine,” ayuu Cavusoglu u sheegay suxufiyiinta kaddib safar uu ku tegey Latin America.

Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiga ugu sarreeya Turkiga ayaa intaa ku daray in “haddii ay dhacdo in weerarka ugu yar lagu qaado dal ku jira xulafada NATO, ay uga jawaabi doonaan si waafi ah.”

NATO si toos ah ugama qaybqaadanayso iskahorimaadka Ukraine, laakiin dalalka xubnaha ka ah waxay hub iyo rasaas ku daldalayaan Dowladda Volodymyr Zelensky, Maraykanku wuxuu xitaa Kyiv la wadaagayaa xogo sirdoon oo xasaasi ah, Ciidamada Ukraine ayaa sidoo kale lagu tababaraa saldhigyada NATO ee Yurub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergey Lavrov, ayaa ku eedeeyey NATO “inay asal ahaan dagaal kula jirto Ruushka iyada oo adeegsanaysa dagaal wakaaladeed iyo hubaynta dagaalkaas,” halka Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin uu uga digey dalalka dibedda inay soo farageliyaan khilaafka usbuucii hore, isagoo ku hanjabey inay ku jawaabi doonaan hub u “dhakhso badan sida hillaaca” haddii halis la geliyo amniga Ruushka, sida uu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya xilli uu Turkigu uu sidoo kale hawada ka xirtey duullimaadyada dayuuradaha rayidka iyo kuwa ciidanka ee u socda Suuriya.

Hadalsame Media