FALAX GOODDIN: Reer Galbeedka oo ka walaacsan dal ku yaalla qalbiga Yurub oo Ruushka la jira oo soo bandhigay hub culus + Sababta & Sawirro

0

(Hadalsame) 01 Maajo 2022 – Dalka Serbia ayaa soo bandhigay gantaaladeeda cusub ee uu Shiinuhu sameeyay ee cir-ka-dhulka ah taasoo awood cusub ku kordhinaysa ciidankeeda, xilli Belgrade ay samaynayso fal ay ku miisaamayso duullaanka Ruushka ee Ukraine.

Iibka gantaalaha Shiinaha, oo si cad loo soo bandhigay Sabtidii shalay, ayaa kiciyey walaaca reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah dalalka deriska la ah Serbia oo ka cabsanaya in hub urursiga Balkan-ka ee cusubi uu halis gelin karo nabadda jilicsan ee gobolka.

Dadwaynaha iyo warbaahinta ayaa lagu casuumay bandhigga oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Batajinica oo ku dhow magaalada Belgrade, halkaasoo gantaalaha Shiinaha iyo Faransiisku ay safnaayeen meel ka dambaysa diyaaradaha qumaatiga u kaca, iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shiinaha iyo kuwa Ruushka.

“Waan ku faanayaa Ciidamada Serbia, waxaan ku hanwayn ahay horumarkan wayn,” ayuu yiri Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic, oo ka qaybgalay bandhigga xilli ay garab taagnaayeen taliyeyaasha ciidamada oo daawanayay bandhig diyaaradeed oo ay ka muuqanayeen diyaarado MiG-29 ah oo Ruushku ku deeqay 2017 -kii.

Waxaa kale oo ku jira taangiyada dagaalka ee T-72, diyaaradaha Helicopters-ka ee Mi-35 iyo kuwa aan duuliyaha lahayn. Nidaamka casriga ah ee HQ-22 ee Shiinaha, kaas oo nooca ay dhoofiyaan loo yaqaan FK-3, oo lagu keenay bishii hore daraasiin diyaaradaha xamuulka ee ciidmada Shiinaha ah, wax la aaminsan yahay inay ahayd daabuliddii abid ugu badnayd ee hubka Shiinaha lagu keeno gudaha Yurub.

“Mar dambe ma oggolaan doonno inaan noqono buufinka buujimada ee uu feero qof kasta,” ayuu yiri Vucic, isagoo sida muuqata tixraacaya duqayntii 78-da maalmood ee ay NATO ka gaysatey Serbia 1999-kii kaddib weerarkii dhiigga badani ku daatay ee ay Serbia ku qaadeen gooni-goosadka Albania Kosovo.

Serbia, oo dagaal kula jirtey deriskeeda sagaashamaadkii, ayaan aqoonsanayn madaxbannaanida Kosovo, ee lagu dhawaaqay 2008-dii.

Belgrade ayaa wali xiriir liita la leh xubnaha NATO ee Croatia iyo Montenegro iyo sidoo kale Bosnia oo ay kulligeed Yoguslavia isku ahaayeen, iyadoo hogaamiyaha Seerbiyaanka Bosnia ee gooni u goosadka ah ee Milorad Dodik uu ka qaybgalay bandhigga militeriga Sabtidii shalaytoole.

 

Hadalsame Media