KACAANKA MAN UNTD: Shaxda uu doonayo inuu fasal-ciyaareedka soo aaddan lasoo shir tago Macallin Ten Hag

0

(Hadalsame) 30 Abriil 2022 – MANCHESTER UNITED ayaa doonaysa inay dhabbe kale qaaddo fasal-ciyaareedka soo aaddan oo loo dhiibayo macallinka dhowaangalka ah balse falsafadda ciyaareed xambaarsan ee Erik ten Hag.

Taageerayaasha kooxdan ayaa la tacaalaya fasal-ciyaareed aan miro badnayn, iyadoo ay isu dhiidhiibayaan kooxaha kale ee ay ku xafiiltamaan woqooyi Galbeed England ee Man City iyo Liverpool – tiiyoo ay u badan tahay inay seegaan CL.

Yeelkeede, waxaa jirta rajo yar oo kasoo bidhaamaysa ili-ku-miriqday, waana in macallinkan Dutch-ka ihi uu gacan ku lahaado in uu calafkooda iyo ciyaartoodaba uu dhanka kale u rogo.

Ten Hag, 52-jir, ayaa dib u dhisaya koox ka tarjumaysa baxaalliga ciyaareed ee uu dheelo oo ah nooca loo yaqaan ”Total Football”, isagoo doonaya inuu waax kasta kusoo kordhiyo laacibiin cusub.

Ten Hag oo ay u badan tahay inuu dabbaqo shaxda ay Dutch-ku inta badan doorbidaan ee 4-3-3 ayaa kooxda Old Trafford kusoo biirin kara xiddigaha ka muuqda shaxda 1-aad ee kooxda camaaliqada ah ee yara ciirtay.

Hadalsame Media