“Halkee ka keenteen warkaas?!” – Shiinaha & Maraykanka oo muujiyey inay isku haystaan Somalia (Maxaa dhacay?)

0

(Muqdisho) 25 Abriil 2022 – Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao, ayaa ku gacan sayray warar sheegaya in Dowladda Shiinuhu ay dooneyso in ay saldhig millateri ka dhisato Soomaaliya.

Waraysi uu dhowaan bixiyay Taliyaha Ciidamada Maraykanka ee AFRIKOM, General Stephen Townsend, ayaa uu ku sheegay in Soomaaliya iyo Shiinuhu ay ka wada hadleen qorshaha saldhigga millateri oo Shiinuhu ka dhisto gudaha Soomaaliya.

“Waxaa jira wada-hadallo u dhexeeya Shiinaha iyo Soomaalida oo si joogto ah u dhaca; kaliya waa inaan u kuurgalnaa. Waxyaabo badan ayay ka wada hadleen. Waxay ka wada hadleen saldhig ciidan. Soomaalidu waxa ay noo sheegayaan in aanu saaxiibbo nahay, sidoo kalena waxa ay doonayaan in ay Shiinaha la shaqeeyaan laakiin ma aha inay noqoto saldhiggan,” ayuu yiri taliyuhu mar uu waraysi siiyey VOA.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arrintan.

Hase ahaatee Danjiraha Shiinaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ee Magaalada Muqdisho, ayaa hadalka Taliyaha ku tilmaamay mid been abuur ah.

“Shiinuhu ma doonayo in uu saldhig millateri ka dhisto Soomaaliya, arrintaasna Soomaaliya kalama hadlin, mana garanayo halka ay warkan ka keeneen” ayuu ku qayliyey Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho.

Si kastaba, Dowladda Shiinaha ayaa dhowaan ugu deeqday Soomaaliya agab ciidan oo ku kacaya ku dhowaad ​​5-milyan oo doollarka Maraykanka ah kaasoo ay ku jiraan gaadiid u badan kuwa ciidamada qaada, booyado iyo aambalaasyo, waxaana Dowladda Shiinuhu ay ku tilmaantay mid Soomaaliya looga caawinayo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Somalia oo horay usoo baratay cashar qaraar oo ka dhashay dhex boodka quwadaha dunida oo iska ahayd istaraatijiyad aan dan qaran iyo waaqiciyad toona xeerin balse qof kursi la carcarayaa uu marba geed la fuulayey markii dambena keentay inay kas u burburiyaan dowladdii Somalia, ayaa haatan u baahan inay waayo aragnimo, kas iyo kaadsi isticmaasho.

Hadalsame Media