XABSI MISE HOTEEL? Dal uu ku yaallo xabsi ka raaxo badan guryaha caadiga ah qaar + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Abriil 2022 – Dunidu waa mid ku kala sarreeysa dhinacyo badan oo ay ku jirto heerka noloshu (living standard), sida aad ka arki doontaan sheekadan kooban.

Sawirrada hoose markaad aragtid waxaa laga yaabaa in ay kugu soo dhacdo hotel caadi ah gudihiisa laakiin xaqiiqdu sidaasi mahan.

Sawirrada kuu muuqda waa gudaha xabsiga sida adag loo ilaaliyo ee Halden oo ku yaalla magaalada Halden ee dalka Norwey.

Wuxuu qaadaa inta u dhexeysa 248–252 maxbuus. Nolosha gudaha xabsigaasi waxay ka raaxo badan tahay qof si xor ah banaanka ugu nool sida la aaminsanyahay.

Waa xabsiga 2-aad ee ugu wayn dalka Norwey. Dalalku markay xaga dhaqaalaha iyo aqoonta horumaraan wax walba la mid maahan meelaha rafaadku ka jiro.

W; D: Mustafa Xaaji Cabdinuur

Hadalsame Media