Ingiriiska oo si uu Ruushka uga maarmo fasaxaya mashruuc 30 sano xayirnaa

0

(London) 24 Abriil 2022 – Dowladda UK ayaa miisaameysa suurtagalnimada furitaanka qodaalka dhuxul-dhagaxda si loo yareeyo ku tiirsanaanta tamarta Ruushka, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay Daily Telegraph Sabtidii, isagoo soo xiganaya ilo ka tirsan xisbiga Conservative Party ee dalkaa ka arrimiya.

Sida laga soo xigtey ilaha warqaadka, Michael Gove, oo ah Wasiirka Guriyeynta iyo Horumarinta Gobollada ee UK, ayaa u janjeera inuu ansixiyo dhismaha meelo cusub oo laga qodo dhuxusha magaalada Whitehaven, Cumbria ee woqooyi-galbeed ee England.

Mashruucan ayaa markii hore la soo bandhigay dhowr sano kahor, waxaana la fasaxay Oktoobar 2020-kii, laakiin lix bilood kaddib, Golaha Wasiirrada UK ayaa waxay joojiyeen shahaado bixintiisa waxayna bilaabeen dib u eegis cusub oo mashruuca la xirirta iyada oo ay jireen mudaaharaadyo ay sameeyeen dadka degaanka u ololeeya.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda Ukraine iyo xayiraadaha ballaaran ee la saaray Moscow, oo ay ku jiraan in la baabi’iyo soo dejinta dhuxusha Ruushka ee la geeyo UK dhammaadka sanadkan, mas’uuliyiinta UK ayaa laga yaabaa inay ansixiyaan mashruucan inkastoo horay loo diiday, sida uu qoray wargayska The Telegraph.

Gove ayaa la filayaa in ay go’aan ka gaarto kaawada cusub ee laga qodayo 7-da Luulyo, laakiin ilo wareedyo ayaa sheegaya in tani ay dhici karto horraanta isla bisha Maajo ee soo socota, sida laga soo xigtey Golaha Wasiirrada, kaawadan cusub ayaa tamar siin doonta wershadaha burta shuba ee muhiimka ah.

Hadalsame Media