KHALAD laga dhadhansanayo khudbooyinka ragga u sharraxan Guddoonka labada aqal ee Baarlamanka

0

(Muqdisho) 24 Abriil 2022 – Tan iyo markii la shaaciyey in doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 27-ka Abriil 2022, halka Guddoonka Aqalka Sare la dooran doono 26-ka Abriil 2022, waxaa la guda galay marxalad doorasho oo keeni doonta in sidoo kale la doorto Madaxwayne.

Haatan waxaa soconaya khudbadaha ragga u sharraxan Guddoonka iyo Xigeennada labada aqal, waxaase jirta hal arrin oo isoo jiidatey una baahan in la fahmo oo wax laga bedelo, sida waxyaabo badan oo kale oo u baahan in wax laga qabto ay u jiraan.

Marka aad dhegeysato khudbooyinka qaar ka mid ah musharrixiinta jagooyinka guddoon ee Baarlamanka 11-aad waxaa kuusoo baxaysa inay u hadlayaan sidii waaxda fulinta halkii ay u hadli lahaayeen sidii waaxda sharci-dejinta.

Rag uu ka mid yahay guddoonkii hore ee Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo intii uu Guddoonka ahaa khaladaad waawayn ku galay magaca Baarlamanka isagoo isa siiyey awoodo aanu xaq u lahayn ayaa lahaa ”waxaas iyo waxaas ayaan dhallinyarada u qaban doonaa, waxaan kala shaqayn doonaa sidaa iyo sidaa.”

”Waxaan ku guulaystey in Baarlamanku aanu ku milmin arrimaha hay’adaha dowladda ee ka shaqaynayey arrimihii doorashooyinka.” ayuu yiri taasoo marka laga soo tago inayba been tahay aanu misna xaqba u lahayn waayo Guddoonka Baarlamanku ma jiheeyo howlaha Baarlamanka.

Sidoo kale, Guddoonka Baarlamanku ma aha siyaasad sameeye (policy maker) sidaa darteed, inuu yiraahdo dhallinyaro ayaan hormarinayaa iyo dad baan guryo u dhisayaa oo uu isna lahaa Senatar Abuukar Cismaan Dube oo u sharraxan Guddoonka Aqalka Sare waa wax lagu qoslo oo muujinaya in ay ama isa siinayaan awoodo aysan xaq u lahayn amaba aysan fahamsanayn shaqooyinka loo igmaday.

Tusaale, in senetar kasta guri loo dhiso waxay u baahan tahay in marka hore sharci laga dhigo, kaddibna ay xukuumaddu miisaaniyad u samayso, inuu dalku ka bixi karo iwm, iyadoo aanay waxaas oo dhami dhicin qofna kuma ololayn karo, guddoonka baarlamaanna kumaba sii jiro oo howl uu leeyahay ma aha.

Tan kale i dooro guri ayaan kuu dhisayaaye waxay noqonaysaa arrin musuq ah, waayo ma lihid waxaan dhowrayaa sharciga, waxaan ilaalinayaa nidaamka baarlamanka iyo xeerarkiisa, laakiin waxaad qofkii wax dooranaysey siinaysaa fursad danaysi shakhsi ah ku dhisan.

WAA MAXAY SHAQADA GUDDOONKA BAARLAMANKU?

Doorka Guddoomiyaha Baarlamanku, haddii uu laba aqal yahayna Aqalku, waa shirguddoonka Golaha, waxaana loo xilsaaray hawlo iyo waajibaadyo badan oo sharci oo la xiriira habsami u socodka howlaha baarlamanka iyo xeer hoosaadka Golaha.

Guddoomiyuhu maadaama uu yahay guddoomiyaha golaha, waxa uu ilaaliyaa nidaamka aqalka, waxa uuna maareeyaa hawl-socodkiisa, qabashada mooshinnada yimaada ee buuxiya shuruudo hoosaadyada iyo Dastuurka dalka iyo maamulkooda. Isagu sharci ma keeno, ma agaasimo, kama hortago, kuma istaago, uma ololeeyo mana aha howshiisa.

Wax siyaasad samayn, mashaariic, fulin iyo horumarin ku saabsanna maba aha shaqadiisa, doorarka in badan ay isa siinayaan Guddoonnada Baarlamanka dalkuna maba aha shaqooyin iyo waajibaadyo iyaga saaran.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media