MW Xigeenka Puntland oo magacaabay Guddi baaraya weerarkii Gaalkacyo & magacyada

0

(Garoowe) 24 Abriil 2022 – Madaxwayne Xigeenka Puntland, Ahmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa magacaabay guddi baaris kusoo sameeya weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Weerarkaas ayaa loo gaystey Wasiir Dibadeedka DF Somalia iyo rag kale oo wehlinayey oo uu ku jirey nin oday dhaqameed ah oo weliba goobta ku dhaawacmay, halka ay askar ilaalo ihi ku dhinteen.

Guddiga la magacaabay ayaa kala ah:

1 – Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2 – Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3 – Xil Axmed Jaamac Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4 – Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5 – Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)

6 – Asad Faarax Maxamed. (Xoghayn)

Hadalsame Media