Kenya oo jeneraal howlgab ah u dirtay Muqdisho waxna ka bedeshey qaab ay u wajihi jirtey Jabuuti (Qunsul ay Hargaysa u dirtay & xil cusub oo badda ah)

0

(Nairobi) 23 Abriil 2022 – MW Kenya ee Uhuru Kenyatta ayaa maanta magacaabay 24 danjire iyo qunsullo iskugu jira oo kala fariisanaya dalal iyo magaalooyin kala duwan oo ay Somalia ka mid tahay.

Waxaa Muqdisho u fariisanaya jeneraal howlgab ah oo lagu magacaabo Thomas Cheptuko- Somalia, iyadoo Hargaysana uu fariisanayo qunsul cusub oo magaciisa la yiraahdo Benson Mwaliko.

Dhanka kale, Kenya ayaa wax ka bedeshey qaabkii soo jireenka ahaa ee ay u magacaabi jirtey Danjireheeda Jabuuti.

Caadiyan, Kenya waxay Jabuuti u xilsaari jirtey Danjiraha u fadhiya IGAD, balse waxay markan u dirtay Danjire gaar ah oo noqonaya Salim Salim, kaasoo bedeli doona James Mwangemi oo laga dhigay Agaasimaha Maaraynta ee Wakaaladda Dekedaha Kenya (KPA).

Dhanka kale, Kenya ayaa Ms Nancy Karigithu, oo horay Xoghaye Joogto ah uga ahayd arrimaha badaha u xushay inay qabato xil cusub oo ah ka faa’iidaysiga Kenya ee khayraadka badda ee loo yaqaan ”dhaqaalaha buluugga ah” iyo biyaha dalka gudihiisa ceegaaga.

Hadalsame Media