Dal Muslim ah oo weerar kedo ah ku qaaday Hay’adda Garoomada & hay’ado warbaahineed oo Israeli ah

0

(Hadalsame) 23 Abriil 2022 – Burcad-danabeedka internet-ka dalka Iiraan ee loo yaqaan Al-Tahira, ayaa hadda sheegtay inay ku guulaysteen inay dhulka soo dhigaan mareegaha maamulka garoomada diyaaradaha ee Israa’iil (IAA) habeenimadii Arbacadii.

Kooxdan oo deggan dalka Ciraaq, ayaa sheegay inay tillaabadan u qaadeen inay u aargudaan Taliyihii Ilaalada Jamhuuriga Iiraan, Qaasim Sulaymaani.

IAA ayaa lafteedu qiratay: “Daqiiqadihii ugu dambeeyay, webkeennu waxaa uu la kulmaya weerar ay kusoo qaadayaan dad badan. Ma jiro wax waxyeello ah ama faragelin lagu sameeyey nidaamka haowleed ee Maamulka Garoomada Israel,” sida ay werisey wakaaladda Walla News.

Kannaalka Telegram-ka Iiraan ee Sabareen ayaa sheegtay in kooxdu ay fulisey weerarro ka dhan ah dhowr website oo kale tebiya wararka Israa’iil, kuwaas oo aan la geli karin waqtigan, waxaana ku jira kannaalka 9-aad ee afka Ruushka ku baxa ee Israa’iil iyo midka wararka ee KAN News.

IAA waxay xaqiijisay in labada web aan la heli karin wax yar kaddib markii sheegashada la sameeyay, in kasta oo labaduba ay shaqaynayeen subaxnimadii Arbacadii.

Hadalsame Media