2 Dal oo Muslim ah oo miigag casri ah si bilaash ah ku helaya (Dalka siinaya & sababta?)

0

(Hadalsame) 16 Abriil 2022 – Sida ku cad warbixin lagu daabacay warsidaha Mondafrique, qayb ballaaran oo ka mid ah miigagga loo yaqaan raxanta Mirage-2000 9/EAD/RAD ee Imaaraadka ayaa la siinayaa dalka Marooko, iyadoo aan weliba wax lacag ah laga qaadin.

Hadda kahor, isla warkaas ayaa lagu daabacay wargays Isbaanish ah. Waqtigaase, warkaas ma aysan xaqiijin ilo rasmi ah mana beenin. Mondafrique ayaa se haatan qoraya, isagoo soo xiganaya “ilo xog-ogaal ah”, in heshiiska Markooko iyo UAE uu ahaa mid xaqiiqo ah iyo in Marooko ay heli doonto inta badan diyaaradahan iyada oo aan la sheegin tirada, waxaase la og yahay in Imaaraadku uu haatan leeyahay ilaa 59 dayuuradood oo ah noocan uu Faranjigu sameeyo.

Wargayska Isbaanishka ayaa ka warbixiyey in Imaaraadku uu raxantiisa Mirage-2000 9/EAD/RAD u qaybinayo dalalka Marooko iyo Masar laakiin ma aanu sheegin tirada waddan kasta helayo. Mareegta Faransiiska ah ee meta-Defense, oo arrintan ka hadlaysa, ayaa iyana sheegtay in Marooko ay heli doonto 34 diyaaradood.

Warbixinta Mondafrique ayaa lagu sheegay in diyaar garowga aqbalidda diyaaradahann uu durba bilowday, balse aan la ogayn xilliga mucayinka ah, waxaana durba bilowday tababaridda duuliyeyaasha iyo farsamayaqaannada.

“Laba toddobaad kahor, farsamayaqaanno ayaa Imaaraadka loo diray si ay tababar ugu soo qaataan. Daabulidda diyaaradaha ayaa waxay deeto u dhici doontaa si tartiib tartiib ah.” ayay u qoran tahay warbixintu.

Dhanka kale, xogo kale oo ciidan ayaa sheegaya in sababta uu Imaaraadku sidan u yeelayaa ay tahay inuu u wareego diyaaradaha raadaarka ka dhuunta ee jiilka ugu dambeeya ee F-35, kuwaasoo uu haatan kala hadlayo Maraykanka.

FG: Miig waa shirkad Ruushan ah dayuuradahanna miigag lama yiraahdo oo waa Mirage laakiin waa sida ay Soomaalidu u taqaan.

Hadalsame Media