”Meel kasta ayuu nagula hardamayaa!” – Maraykanka oo caddeeyey dalka uu u arko cadowgiisa 1-aad (Mana aha midka aad moodayso)

0

(Washington, DC) 16 Abriil 2022 – Agaasimaha CIA, William Burn, ayaa tilmaamay khataraha waawayn ee soo food saaray Maraykanka, isaga oo tusmeeyey in Shiinaha uu kor u kac ka sameeyey masraxa adduunka iyadoo duullaanka millateri ee Ruushku ku hayo Ukraine uu yahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waawayn, wuxuuna caddeeyay in sirdoonka Maraykanku uu galay “waa cusub”.

Ninkan oo ka hadlayey Mac’hadka Georgia Institute of Technology wax noqday hadalkiisii ugu horreeyey ka madaxa wakaaladda ahaan, Burns waxa uu ku dooday in “Shiinaha oo si isa soo taraysa u noqonaya dal xafiiltan kula jira Maraykanka iyo Ruushka oo doonaya naqtiiminta siyaasado hore” ay ku khasbeen xarunta Langley inay “dib hardan guulaysan kara ula galaan cadowgan cusub ee casriga ah.”

“Shiinaha uu hoggaamiyo Xi Jinping waa caqabadeenna ugu wayn, siyaabo badan marka loo eegana waa tijaabadii ugu qotada dheerayd ee ay CIA abid wajahdo,” ayuu Burns sii waday. “Adeeg sirdoon ahaan, waligeen lamaanu macaamilin cadaw ka galaangal badan,” ayuu qiray.

”Waxa uu Shiinuhu doonayaa in uu si dhab ah inoo dhaafo qayb kasta, laga bilaabo awoodda dhaqaale ilaa awoodda ciidan, iyo hawada sare ilaa internet-ka.”

Isagoo ugu yeeraya Shiinaha “saaxiibka aamusan” ee wax uu ku sheegay “gardarrada” Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, Madaxa Sirdoonka CIA ayaa sidoo kale ka digey in howlgalka millateri ee socda uu keenay “khataro degdeg ah”, isagoo soo jeediyey in “rajo-xumada” ka muuqata dhinaca Madaxwayne Vladimir Putin ay kicin karto iswaydaarsiga hubka nukliyeerka, sida uu qabo.

“Mid kasta oo naga mid ihi ma fududaysan karo khatarta ka iman karta suurtagalnimada in la adeegsado hubka nukliyeerka ee taatikada ah ama hubka nukliyeerka ah ee waxyeello ahaan hooseeya.” ayuu ka digey.

Si kastaba ha ahaatee, Burns waxa kale oo uu xusay in kasta oo ay Moscow “samaysay muujinta fan-hadal ku saabsan heegin gelinta hubka nukliyeerka” waxyar kaddib markii ay weerar kusoo qaaday Ukraine dabayaaqadii Febraayo, misna hay’adaha sirdoonka ee Maraykanku “aanay arag caddaymo badan oo la taaban karo oo xoojin kara walaac ah in nukliyeer la adeegsado.”

Hadalsame Media