”Markii uu qaraxu dhacay hooyo welwelsan baa nagu soo fakatay iyadoo leh ”Taliye Odawaa ma nabad qabaa!”

0

(Hadalsame) 15 Abriil 2022 – Qormooyinka Todobaadka 12 Abriil ee Maalinta Asaaska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed. Dhacdo Xasuus igu Leh waa 13 Luuliyo 2020 waxaan Safar shaqo uga soo Baxnay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliya waxaan safar u ahayn Kuliyada Ciidanka Xooga Dalka Somaliyeed ee Turksom Waxaan Marayney Tarabuunka iyo Meel u Dhaxaysa Isbitaalka Xooga.

Safarka waxaa ay u jeedadiisu Tahay in uu soo saxiixo Buuga Qalin Jabinta Sarkaal Xiigeenka Xooga Dalka soomaaliyeed oo Dhamaysta wax Barasho Hal Sano ah. Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Odawaa Yusuf Raage Casayr.

Waxaan nahay sadex Gaari labo ilaalada Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Gaariga Taliyaha Ciidanka oo ah nooca aanay Xabadu Karin Gaarigaas waxaan ku saarayn 4 qof aniga iyo Taliyaha Ciidanka Xooga dalka soomaaliyeed S/Guuto Odawaa Yusuf Raage iyo ID Kaabka Taliyaha iyo Darawalkii Gaariga.

Marka aan marayno meel Kaalin shidaal dhinaceeda ah ayaa Gaarigii Hore ee iLaalada Taliyuhu waxaa uu ku socday Xawaare uusan Horey ugu socon isla markiiba waxaa isna Xawaare sare ku socday Gaarigii aan Saarrayn ee Taliyaha aniga iyo Taliyaha Ciidanku waxaan Fadhiney Kuraasta Gadaale ee Gaariga waan iska sheekaysanayney wax dareen ah ama digtooni ahna naguma jirin.

Gaariga xawaarihiisa saa’idkaa ayaan muraayada hore eegay waxa jira waxay indhahaygu qabteen Gaari Saaruf ah oo Madow oo Gaarigeenu uu lasii sinmayo igana xiga dhinaca Taliyaha Markii uu Gaarigeenii isla simay si dhamaystiran ayuu qarxay intaas Kaddib waxaa si Dhamaystiran aan u waayey aragtidii iyo Dadkii, Gawaaridii iyo Jawigii Degganaa ee aan ku soconney.

Waxaana uu Jawigii noqday mid uuro, dab, qiiq iyo faniinka birta Gaariga qarxey oo la maqlayo shanqarteeda, sidoo kale Gaarigii aan Saarrayn waxaa uu noqday mid Bur bura oo gudihiisa ay yaacayaan Maryo Cad Cad (Air Bag) ayaa meelkasta ka soo Boodey Gaarigiina waxaa uu noqday meel Banaan ah waxaan furay Daaqada Bidixda oo aan saarraa way ii furantay si fiican waana soo xiray isla markiiba.

Waxaa eer baagii intuu iska fujiyey Nala Hadlay Darawalkii Gaariga waxaana uu nagu yiri asagoo wejiga dhiig ka daadanayo Ma nabad Qabtaan Taliye Odawaa ayaa ku yiri ”Haah waan nabad qabnaa ee ka dhex bax qaraxa Xasan Ma noolyahay?!!” Xasan waa ID Kaabka Taliyaha oo Koomo Galay.

Intaas kaddib Darawalkii waxaa uu noo istaajiyey Gaari nooca kunteennarrada lagu qaado ah oo aan waxba saarrayn markaas ayaan ka Deganey Daaqadii aan xigey oo kaligeed furmaysay kana fayoobayd Daaqadaha Gaariga Markaan ayay xaaladu Cakirantay.

Markii uu Qarax Dhoco waxaa Timaada in Qof walba uu Difaac Galo Dadka ka ag dhow Goobta kadibna ay si Dhuumaalaysi ah u ogaadaan Xaaladda. sidoo kale Dadka Lala eegtay Qaraxa ayaa ayaguna waxay bilaabaan in ay fahmaan waxa dhacay qaabka ay yihiin noocooda, waxaana dhacda in ay marka hore ku wareeraan sida wax u dhaceen.

Balse anagu waxaanba aragnay ama shaki nagu bilowday Qaraxa kahor marka xaaladu way noo cadayd waxaase imaan karta Qaraxyo kale oo Gawaari Tuuryo iyo Dad ah kuwaas ayaan markiiba niyada Gashannay in ay imaan karaan waxaase dhacdo la yaableh noqotay Markii ay Dadwaynihii Ogaadeen in Qaraxa Lala Beegsaday Taliyihii Ciidanka Xooga Dalka ayaa waxaa isbadaley Halmar Jawigii waxayna Shacabkii oo dhami ku Tala galeen in ay ogaadaan in Taliyaha Wax Gaareen iyo khasaaraha kale.

Askarta Taliyaha ilaaladiisaana waxay ka welwelayeen in qof is Qarxis ah uu imaankaro waxaan aad ugu farxay Hooyo Joogtey Goobta ayaa Askartii si miyir La’aan ah kusoo Dhaaftay ayadoo leh ”Hooyo Taliyaha Wax Magaareen Hooyo Taliyaha Wax Ma gaareen?”

Askari ayaa ku yiri ”Maamo waxba ma Gaarine Noqo Noqo Noqo.” Taliye Odawaa ayaa ku Yiri ”Hooyo Waxba ima Gaarine ka laabo Meesha waxaa dhici kara Qarax kalee”. Cajiib Hooyadii Ayaa ku Jawaabtey ”Hooyo Hadii Aad Adigu Nabad Qabto kulligeen Waan Nabad Qabnaaye’ Ma Hubtaa in aan wax kugaarin?” ”Haah Haah Haah Hooyo waxba ima Gaarin.”

”Maasha allaah” ayay Tiri Hooyadii waana ay dhaqaaqday waxayna warbixinteenna Gaarsiisey Dad badan oo meesha Dhoobnaa Markaas ayay Dadwaynihii Fursad Nasiiyeen aan ku aruursano Dhaawacyada iyo Maydadkeenna.

Waxaa Qaruxu Saameyey Gaarigii Gadaale ee iLaalada Taliyaha kaas oo ay soo Gaartey Bur Bur Dhimasho iyo Dhaawac waxaa Gaariga Bur Buray Horey u saaran nin Sarkaal ah oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanadaa ee kulliyadaha loo diray kaas oo markaas ka yimid Kulliyad welina aan ka howlgalin Muqdisho iyo Gobollada Dalka.

Waxaa uu watey Gaari aan Xabadu Karin markii aan kasoo baxayney Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu yiri ”Taliyaha Ciidanka Xooga dalka soomaaliyeed ayaa kuu Taagan waxaadna ka mid tahay saraakiisha u socota Kulliyada Turksom Gaarigiisii ma uusan sugine waxaa uu shirka hore u fariistay Gaariga ilaalada Taliyaha.”

Markii ay Dadkii Buuqsanaa naga kala fududaadeen ayuu noo yimid markaas ayaan ku iri ”Meeshan masii joogi karee Gaarigaada inoo keen aan saaro Taliyehee”, intuu laabtay ayuu u tegey Gaarigii oo Bur Buray markaas ayuu nagu soo laabtay waxaa uu nagu yiri ”Gaarigaygii waa bur buray.”

La soco qayb kale…

W; Q: Gashaanle Jeeniqaar Sheekh Cumar, Talihii Hore ee Danab

Hadalsame Media