Ruushka oo durba ”burburiyey” gantaalaha S-300 oo ay Midowga Yurub dhowaan siiyeen Ukraine (Gantaalka uu u adeegsadey?)

0

(Hadalsame) 11 Abriil 2022 – Ciidamada Ruushka ayaa sheegtay inuu burburiyey gantaalaha lidka diyaaradaha ee S-300 oo dhowaan ay dalal EU ihi siiyeen Ukraine kaddib markii lagu qaaday weerar qorshaysan, Wasaaradda Difaaca ee Moscow, ayaa sheegtay Maanta.

Maalmo kahor, Slovakia ayaa caddaysay inay dhowr batari oo ah gantaalahan dhul-ka-cir ee S-300 oo Soofiyeet-samee ah ugu deeqday Kiev.

Xog-siinteeda joogtada ah ee ku saabsan howlgalka millateri ee ka socda Ukraine, Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa ku warrantay in ay duqaysay hangar “ku yaal duleedka koonfureed ee magaalada Dnepropetrovsk,” halkaas oo lagu qarinayey “gantaalahan S-300 ah.”

Gantaalaha Kalibr oo laga soo tuuray badda ayaa burburiyay afar batari oo ah gantaalahan S-300 ah iyo ilaa 25 askari oo reer Ukraine ah oo la joogey weerar lagu qaaday Axaddii, sida uu maanta sheegay Sfhayeenka Wasaaradda Jeneraal Igor Konashenkov.

Wuxuu isticmaalay magacii hore ee magaalada, kaas oo ay mas’uuliyiinta Ukraine ay u bixiyeen Dnepro 2016-kii si ay uga fogaadaan magacii ay lahayd xilligii Soofiyeedka.

Saraakiisha Ruushka ayaa sidoo kale sheegay in ay duqayn kale oo ka gaar ah ku burburiyeen raadaarkii gantaalahan S-300, kaasoo dhacay habeennimadii xalay meel u dhow Uspenovka.

Jeneraalku ma uusan cayimin tan ay ka tahay tuulooyinka badan ee magacaas wata ee Ukraine ku yaal ee uu ula jeeday, mana uusan sheegin in raadaarka uu ka mid yahay batariga uu bixiyey dalkan shisheeyey iyo in kale.

Ruushka ayaa horay ugu gooddiyey inuu bartilmaameedsan doono hubka ay Galbeedku ku gurayaan dalka Ukraine oo uu ku tilmaamay ”bartilmaameed sharci ah.”

 

Hadalsame Media