Khilaaf ka dhex taagan madaxda sare ee ATMIS oo xiriir la yeelan kara codka la dusiyey (Warqad ay ku kala cabanayaan oo la helay)

0

(Muqdisho) 11 Abriil 2022 – Waxaa soo if baxaya is qab-qabsi diblomaasiyadeed oo ka dhexeeya madaxda sare ee ATMIS kaasoo u muuqda mid maraya heerkii ugu sarreeyey oo wada shaqayn xumo ah dhanka Howlgalka Kala-guurka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaan helnay warqad la sheegay in ay isu direen madaxda sare ee ATMIS taasoo muujinaysa heerka liita ee uu taagan yahay xiriirka madaxda sare ee ATMIS qaarkood.

Ku simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika, Fiona Lortan, oo ah gabar u dhalatay South Africa, ayaa ka cabaneysa Babatunde Taiwo oo ka tirsan Xafiiska Xiyaasadda Howlgalkii AMISOM ee haatan loo beddelay ATMIS.

Kol hore, Villa Somalia ayaa waxay cayrisay Ku xigeen AMISOM oo u dhashay Uganda, waxaana xusid mudan in lagu beddelay gabadhan South African-ka ah.

Gabadha ayaa waxay deeto soo dhex gashay rag is fahamsan oo kala ah Madeira iyo Taiwo. Babatunda Taiwo oo u dhashay dalka Nigeria ayay wararka qaar sheegayaan inuu si toos ah iyo si dadbanba ugu milan yahay siyaasadda gudaha iyo arrimaha xasaasiga ah ee doorashooyinka Soomaaliya.

Qoraal ay Fiona soo saartay 5-tii Abriil, waxay ku caddeysay in Mr Tiawo uu xiriirkii shaqo ee caadiga ahaa xitaa tahli la’yahay isagoo ka jawaabi waayey farriimeheeda iyo wicitaannadeeda, xilli ay doonaysey inay kala hadasho sida ay ATMIS u maarayn karto waajibyada ammaan ee loo igmaday ee ku saabsan sugitaanka ammaanka madaxda sare ee DF.

Waxay si gaar ah u xustay in khilaafka Madaxwaynaha iyo RW DF Somalia uu gaarsiisan yahay heer uu tijaabo geliyo kartida ay ATMIS u leedahay inay gudato waajibaadyada ammaan ee ka saaran madaxda sare ee DF.

Warqaddan oo la qoray laba maalmood kahor markii uu soo shaac baxay codka uu ku ceeboobey Danjiraha AU ee Somalia, Francisco Madeira, ayaa la qiyaasayaa in khilaafkani aanu ka fogayn.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Madeira iyo Taiwo ay isla ogyihiin xiriirka ay la leeyihiin Villa Somalia, balse gabadhani aysan qorshahaa qayb ka ahayn, taasoo kordhinaysa khilaafka kala dhexeeya madaxdan iyo in dhinac loo buuso.

Waxaa Diyaariyey: Cumar Max’uud Amoore

Hadalsame Media