XOG: RW Rooble oo la kulmaya beesha caalamka & qodobbada uu lasoo qaadayo

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2022 – RW Max’ed Xuseen Rooble, ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho kula kulmo xubno ka tirsan saaxiibbada caalamiga ah ee Somalia oo ay ku jiraan Danjirayaasha dalalka shisheeye u jooga halkaasi.

Sida uu qorayo Garoowe Online, waxaa kulankan oo dhaca saacadaha soo socda uu RW Rooble lasoo qaadayaa beesha caalamka sidii loo dhamaystiri lahaa ololaha doorashada iyo dhaarta Xildhibaannada cusub oo loo asteeyey 14-ka bishan Abriil.

Wuxuu doonayaa inuu ku adkeeyo in aan markan la seegin waqtiga loo qabtay dhaarinta sidii horayba dhowr mar u dhacday in la dhaafo waqtiyada la qabto (missed deadlines), oo ay ku jirto in doorashada Madaxtooyada la qabto horraantii 2021-kii.

Lama oga in RW Rooble uu beesha caalamka kala hadli doono Danjiraha Howlgalka ATMIS ee ku sumcadda beelay cod sir ah oo laga helay isaga oo dhex boodaya khilaafka Soomaalida islamarkaana ku jeesjeesaya dadkii lagu qarxiyey magaalada Beledwayn.

Hadalsame Media