Muqdisho oo mar kasta muujisa hal arrin oo ay uga macquulsan tahay magaalooyinka kale ee Soomaalida

0

(Muqdisho) 10 Abriil 2022 – Waxyaabaha aan la yaabo oo Muqdisho ay kaga duwan tahay dhammaan deegaannada iyo gobollada kale ee dalka waxaa ka mid ah:

1 – In dhowr jeer dab aad u xooggan uu ka kacay Suuqa Bakaaraha oo ganacsato badan ay ku xoolo beeleen, ma aysan u qaylo dhaamin beesha caalamka Soomaali kalena haba sheegin, balse dabkoodii ayay la dagaallameen, khasaarohoodiina way ka soo kabteen.

Ma jirin dowlad malaayiin doollar ugu deeqday iyadoo weliba Bakaaruhu uu yahay suuqa ugu weyn ee bixiya canshuurta ugu badan guud ahaan dalka.

2 – Qarrixii ugu waynaa abid ee ka dhaca dalka wuxuu ahaa kii Soobe ee 14-kii Oktoobar 2017-kii, masiibo aad u weyn ayaa halkaa ka dhacday, looma qaylo dhaamin beesha caalamka ee saacado kaddib waxaa la bilaabay howlgal nadaafadeed iyadoo qof walba uu ganacsigiisii dib u soo yagleelay haddii uu ALLE ka bad baadiyay qaraxaas, mana jirin malaayiin dollar oo aan maqlay in la geliyay ka soo kabashada musiibadaasi marka laga reebo xoogaa taakuleyn ah oo la siiyay dadkii dhaawacyadu soo gaareen.

3 – Waxaa jira wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi oo hadda kahor lagu xirey magaallada Hargeysa kaddib markii uu maqaayad ka cabay ”shaah buluug ah” iyadoo lagu eedeeyay in midabkaasi u taagan yahay calanka Soomaaliya, xabsiga ayuuna liinta ku soo cabay, maanta isla wiilkaasi dhallinyarada ah wuxuu 10 kun oo dollar ugu deeqay lacagihii loo ururinayay suuqa Waaheen ee magaallada Hargeysa oo uu dab xooggan baabi’iyay.

Haddaba, waxaa jira sifooyin badan oo wanaagsan oo aan la soo koobi karin oo u gaar ah shacabka reer Muqdisho oo Soomaalida kale u muujiya naxariis iyo gurmad aysan iyagu helin marka ay u baahan yihiin.

FG: Ulama jeedo qoraalkan inaan dad gaar ah aan ku duro ee waxaan ku cabirayaa waxa ay Muqdisho dheer tahay gobollada kale ee dalka haddii aad fahamtey waxa aan ula jeedo.

Waxaa Qoray: Yaxya Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media