”Waa arrin halis wayn keenaysa!” – Dal kashifay jar ay reer Galbeedku u degeen Ruushka & arrin ay la maaggan yihiin

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2022 – Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, ayaa ku eedeeyay reer Galbeedka in ay isku dayayaan in ay “dilifaajiyaan oo wejiga ka bedelaan” Ruushka oo ay saaran tahay cunaqabatayn ba’an oo ka dhan ah Moscow ololaheeda milliteri ee Ukraine.

Dalka Maduro ee Venezuela laftiisa ayaa waxa uu ku hoos noolaa cunaqabatayn wayn oo Maraykanku ku hayey ilaa 2019-kii.

“Waxay [galbeedku] u safan yihiin, inay Ruushka go’doomiyaan dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan, iyo diblomaasiyad ahaan waana dagaal wayn oo ka dhan ah Ruushka. Haddii aannu nahay Venezuela, waanu cambaaraynaynaa,” ayuu yiri Maduro oo khudbad telefishanka ka jeediyay.

“Waxay rabaan dagaal si ay wejiga uga bedelaan Ruushka oo ay cad cad ugu jarjaraan, si ay u burburiyaan oo u hor joogsadaan rajada adduunyo kala aragti diwan oo ah waxa dhammaanteen aan ku noolaan karno.”

Dalkan dhaca Koonfurta Ameerika ayaa cambaareeyey codbixintii Khamiistii ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ee ahaa in Ruushka laga cayriyo Golaha Xuquuqul Insaanka ee ururkan caalamiga ah ee QM.

Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaasi, Felix Plasencia, ayaa isna sheegay in tallaabadan ay “burburinayso buundooyinka isku xira dunida” ee lagama maarmaanka u ah wadahadalka ayna “si dhab ah khatar u gelineyso amniga, nidaamka iyo nabadda caalamka.”

Hadalsame Media