Dal NATO ah oo diidey inuu kaydkiisa ciidan hub dambe ka siinayo dalka Ukraine + Sababta

0

(Hadalsame) 10 Abriil 2022 – Millateriga Jarmanku hadda kama sii wadi karo inuu Ukraine hub ka siiyo kaydkiisa gaarka ah, sida ay tiri Wasiirka Gaashaandhigga ee Jarmalka, Christine Lambrecht.

Wareysi ay siisay Die Augsburger Allgemeine Zeitung oo la daabacay Sabtidii, Lambrecht waxa ay tiri “in kasta oo “dhammaanteen ay waajib nagu tahay inaan Ukraine ku taageerno dagaalkeeda geesinimada leh,” marka la eego “sahayda ka timaadda kaydka Bundeswehr” Jarmanku wuxuu gaaray “xadkii.”

Waxay sharraxday in millateriga Jarmanku ay tahay inay “hubin karaan” difaaca dalkooda oo isna muhiimadda 1-aad.

“Laakiin taa macnaheedu maaha inaanan wax badan u qaban karin Ukraine,” ayay Lambrecht carrabka ku adkeeysay, iyadoo soo jeedinaysa in Kiev ay si toos ah uga iibsan karto qalabka ay u baahan tahay shirkadaha Jarmanka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Jarmanku ay iyaduna “si joogto ah ula shaqeyneyso” maamulka Kiev si loo fududeeyo iibsashada agabka noocaas ah.

Markii la weydiiyay inay cayinto nooca hubka laga fikirayo in la geeyo Ukraine, Lambrecht waxa ay diidey inay si tifaftiran u bixiso macluumaad, iyadoo raacisay “waxaa jira sababo wanaagsan oo keenaya in xogtan aan ka dhigno inay tahay mid qarsoodi ah.”

Waxay xustay in ay ahayd Ukraine lafteeda tan “sida adag” uga codsatay Jarmanka in aysan shaacin hubka la siinayo dalkaasi.

“Qofku waa inuu had iyo jeer maskaxda ku hayaa: Xilliga keenista haddii si faahfaahsan loo daabaco xogta, Ruushka ayaa sidoo kale heli doona macluumaadkaas. Taasina kaliya waxay yeelan doontaa saameyn istaraatiijiyadeed oo millateri.” ayay tiri.

Ruushanka ayaa horay ugu gooddiyey inuu bartilmaameed sharci ah ka dhigan doono shixnad kasta oo hub ah oo la siiyo Ciidanka Ukraine, maadaama uu isagu haatan xukumo hawada dalkaasi kaddib markii uu 90% burburiyey cududdii cireeed ee Ukraine.

Hadalsame Media