WAR CUSUB: ATMIS oo bandow saartay Xerada Xalane & inta uu soconayo

0

(Hadalsame) 09 Abriil 2021 – Howlgalka Kala-guurka ah ee ATMIS ayaa bandow kusoo rogey Xerada Xalane, sida ay sheegtay Idaacadda Shabeelle.

Bandowga oo sababo ammaan loo cuskaday ayaa soconaya muddada u dhaxaysa 10-16 Abriil.

Waxaa durba tillaabadan lagu wargeliyey hay’adaha QM, diblomaasiyiinta caalamiga ah, ururrada aan dowliga ahayn ee NGO-yada, qandaraasleyaasha iyo Dowladda Federaalka ah.

ATMIS ayaa mudadaa samayn doonta:

  • Baaritaanno gudeed oo xerada dhexdeeda ah
  • Roondooyin habeen iyo maalin ah oo ay la socdaan joojin iyo baaritaanno deg deg ah
  • Bandow dhaqangelaya 20:00 ilaa 05:00
  • Xeebta waxaa la booqan karaa min 05:00 ilaa 17:00

Dadka ka degaya ama ka duulaya Garoonka Aadan Cadde wax saamayn ah ku yeelan maayo go’aankan, iyadoo uu xaalku caadi kusoo noqon doono 17-ka Abriil.

Hadalsame Media