DEG DEG: Waaxda Socdaalka oo la faray inaysan soo fasixin Madeira + Terminaalka Movcom oo la xirey ilaa amar dambe

0

(Muqdisho) 09 Abriil 2022 – Wasaaradda Amniga ayaa fartay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya inay la laabato warqada dal ku joogga Wakiilkii Midowga Afrika, Francisco Madiera.

Waxaa sidoo kale hay’adda la faray in aan la siin karin warqada dalku galka ee fiisaha marka uu soo noqdo.

Dhanka kale, waxaa Agaasimaha Hay’adda Socdaalka la faray inuu dhammaan cida ay khuseeyso ku wargeliyo in Danjire Madiera aan dalka la keeni karin, maadaama uu yahay qof aan dalka laga rabin oo loo jaray PNG.

Waxaa sidoo kaloo si kumeel gaar ah loo xirey dhammaan howlaha Terminaalka MOVCOM oo ay si gaar ah u adeegsadaan shisheeyaha Xalane, illaa amar dambe.

Tillaabadan ayaa jawaab u ah qoraalkii dhowaan kasoo baxay AU oo ay siyaasiyiin badani ku tilmaameen mid “qar iska xoor ah” marka la eego nidaamka diblomaasiga ah, khaladka lagu hayo Madeira iyo mas’uuliyadda xasaasiga ah ee saaran oo ay ku jirto ilaalinta madaxda sare iyo doorashada dalka.

Hadalsame Media