”Iibsada hubkeenna!” – Maraykanka oo Hindiya si cad ugu sheegay inay dhimaan hubka ay Ruushka ka iibsadaan

0

(Washington, DC) 06 Abriil 2022 – Xoghayaha Difaaca Maraykanka ee Lloyd Austin ayaa Talaadadii sheegay in sii wadida iibsashada Hindiya ee hubka Ruushka “aysan ku jirin dantooda ugu wanaagsan,” iyo in ay jiri doonto “shuruud cad” oo ku saabsan in hogaamiyayaasha New Delhi ay hubkaa ku beddelaan qaar ka mid ah nidaamyadan Maraykanka iyo xulafadiisu sameeyaan.

Hindiya waa dalka 2-aad ee ugu wayn adduunka dhanka iibsiga hubka, waxayna ku dhawaad ​​kala bar hubkeeda kala soo degtaan Ruushka.

“Waxaan sii wadeynaa inaan kala shaqeyno [Hindiya] si aan u hubinno inay fahmaan in aysan dantoodu ku jirin inay sii wadaan maalgashiga qalabka Ruushka,” ayuu yiri Austin oo intaa u sheegay xubnaha Guddiga Adeegyada Ciidamada Qalabka Sida ee Aqalka Koongarayska.

Wuxuu intaa raaciyey inay Hindiya ka dalbanayaan inay hoos u dhigaan noocyada qalabka ciidan ee ay ka iibsanayaan Ruushka iyagoo si tartiib tartiib ah ugu soo wareegaya hubka Maraykanka iyo xulufadiisa, si ”la isu waafaqo”, sida uu yiri.

Austin ayaa hadalkan kaga jawaabayey su’aal ka timid Wakiil Joe Wilson (R-South Carolina), kaas oo ku tilmaamay Hindiya inay tahay “saaxiib qaali ah” oo Maraykan iyo “dimuqraadiyadda adduunka ugu wayn.”

Muxuu Wilson waydiiyay Austin, in Maraykanku samayn karo in lagu qanciyo “Hogaamiyeyaasha Hindiya inay diidaan Putin oo ay la jaan qaadaan xulafadooda dabiiciga ah ee dimuqraadiyadeed?”

Austin waxa uu ku jawaabay in Maraykanku leeyahay “nidaamka hub ee ugu wanagsan adduunka” kaasoo uu diyaar ula yahay inuu siiyo New Delhi.”

Austin ma aha sarkaalkii ugu horreeyey ee Maraykan ah ee ka hadla in sare loo qaado hubka laga iibiyo Hindiya oo ay sidoo kale ka diiddan yihiin inay iibsato shidaalka Ruushka oo weliba qiime dhimis 30% ah loo sameeyey.

MW hore ee Maraykanka ee Donald Trump ayaa sanadkii hore $3 bilyan oo doollar heshiis kula galay RW Narendra Modi 2020-kii, isagoo ka iibiyey dayuuradaha qumaatiga u duula ee Apache iyo gantaalaha Hellfire, si uu uga dheereeyo labada dal ee Ruushka iyo Shiinaha.

Hadalsame Media