Digniinta NISA oo soo saartay aragti cabsi leh & dadwaynaha oo fal-celino 3 nooc ah uga jawaabay

0

(Hadalsame) 05 Abriil 2022 – Waxaa aad loo hadal hayaa shaki ayaa ka dhashay qoraal digniin culus xambaarsan oo ka soo baxday Hay’adda Nabad Sugidda NISA, oo qoraal ay soo gudbiyey ku sheegtay in Al-Shabaab ay wadaan ”shirqool lagu dilayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.”

”Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.” ayaa lagu yiri qoraalka shakiga dhaliyey.

Warkan ayaa marka laga soo tago siyaasiyiin kala duwan oo siyaabo kala duwan uga dhiidhiyey iyagoo sheegaya inay tilmaamayso ujeeddo gurracan oo sanado soo socotey, sida ay shegeen, waxaa sidoo kale ka fal-celiyey dadwaynaha caadiga ah oo 3 nooc oo ay 2 u badan yihiin u qaybsamay:

1 – Koox tuhun qabta oo qabta shaki ah in uu runtii xiriir ka dhexeeyo NISA oo maamul ahaan haatan ku jirta gacanta Madaxwaynaha iyo Al Shabbaab ama ugu yaraan ay falalkooda iskula dhex dhuuntaan.

2 – Koox aanba dood ka qabin xiriirkaas iyo wax kasta oo xun oo la sameeyo ee kaliya indha la’aan u taageeraysa Farmaajo, kuwaasoo ay qaarkood ku hadlayeen luuqad muujinaysa inayba si cad ugu baaqayaan in Raysal wasaaraha la khaarajiyo, iyagoo ku celcelinaya hal kelmad oo ah ”wuuba nagu daahay!”.

3 – Kooxdani waa ujeeddo badan dhowr nooc iskugu jirta balse aad u tira yar;

a) Kooxi cid taageerid kama aha laakiin waxay qabtaa in digniintani ay tahay mid caadi ah oo aan mudnayn in la sharaysto.

b) Qaybtan kale, waa dad doonaya inay si dadban u difaacaan Farmaajo sidaa darteed, waxay ku doodayaan inaan meeshan waxba laga raadine digniintan loo qaato sidii mid caadi ah, iyaga ahaan ma jiro wax xiriir ah iyo wax la tuhmi karo, tiiyoo ay jiraan silsilado badan oo hore oo tuhunka dhalinaya.

Tifaftirka

Hadalsame Media