Dalkii 3-aad oo Muslim ah oo hiillo diblomaasiyadeed u muujiyey Ruushka (Galbeedka oo aan tillaabadan jeclaysan)

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Suuqyada tamarta dunidu waxay u baahan yihiin saliidda Ruushka, mana jiro dal soo saara tamar lagu beddeli karo, ayuu ku doodday Wasiirka Tamarta ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) Suhail al-Mazrouei oo Isniintan hadlayey.

Ruushka ayaa waxa ay soo saartaa ilaa 10 milyan oo fuusto oo saliid ah maalintii, taas oo ka dhigaysa xubin muhiim ah oo ka tirsan isbahaysiga tamarta OPEC+, al-Mazrouei ayaa sidaa sharraxay intii lagu guda jirey madasha tamarta ee Dubai.

“Marka laga tago siyaasadda, muggaas tamareed ayaa loo baahan yahay maanta,” ayuu ku adkaystay, isagoo raaciyay “haddii uusan qofna diyaar u ahayn inuu yimaado oo bixiyo cadadkaas, ma aragno qof beddeli kara Ruushka.”

Ruushka waa dalka 2-aad ee dunida ugu horreeya dhanka dhoofinta saliidda ceeriinka ah marka laga reebo Sacuudi Carabiya. Kaddib howlgalkii millateri ee Ruushka ee Ukraine, wadamada qaar, oo uu ugu horreeyo Maraykanka, ayaa ballanqaaday inay joojinayaan iibsashada saliida iyo gaaska Ruushka.

Maraykanka, Yurub, iyo kuwo kale ayaa ugu baaqayey shirkadaha soo saara saliida Khaliijka Carabta inay sare u qaadaan wax soo saarkooda, ayna gacan ka geystaan hoos u dhigista qiimaha saliidda ceeriin, kaas oo hal mar cirka isku shareeray oo gaarey in ka badan $120 doollar fuustadii, halka tan sifaysan ay kasii qaalisan tahay.

Qadar iyo Aljeeriga oo sida Ruushka hodon ku ah gaaska dareeraha ah ee dabiiciga ah (LNG) ayaa horay u sheegay in aanu jirin dal buuxin kara mugga tamareed ee uu Ruushku keeno suuqyada tamarta dunida, taasoo adkaynaysa ujeedka Galbeedka ee ah in Ruushka la go’doomiyo dhaqaale ahaan si taa loo gaarase weli la’ dalal buuxiya booskiisa.

Hadalsame Media