Turkiga oo doonaya inuu isaga fillaado agab muhim ah oo uu kasoo degsan jirey Ruushka-Ukraine

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Warshadaha gudaha ee Turkiga ayaa lagu wadaa in ay maxalli ahaan usoo saaraan birta oo ay markii hore si wayn ugu tiirsanaayeen dalalka dagaalka ku jira ee Ruushka iyo Ukraine.

Turkiga ayaa marka laga yimaado birta uu soo saaro, 70% kabka birta ka soo dhoofsanayey dalalkan is haya, si kastaba ha ahaatee, silsiladaha sahayda ayaa hakad wayni galay sababo la xiriira dagaalkii bilowday kaddib duullaankii Ruushku ku ekeeyey deriskiisa.

Marka laga reebo dhibaatada saadka, Azovstal, oo ah warshadda birta iyo aastada ee ugu ballaaran Yurub oo ku taal Ukraine, ayaa sidoo kale si wayn ugu burburay duqeymaha Ruushka, taasoo keentay kor u kac dhanka sicirka ah.

Si looga hortago kala go’ kale oo dhanka birta ah, Wasaaradda Wershadaha iyo Tignolojiyadda ee Turkiga ayaa durba qaaday tallaabo ay ku abaabulayso warshadeeyeyaasha maxalliga ah, sida ku dhigan warbixin lagu qoray maalinlaha dhaqaalaha Turkiga ka sheekeeya ee Dünya maanta.

Warbixintu waxay sheegtay in Wasaaraddu ay la kulantay Isdemir iyo Kardemir oo ah labada shirkadood ee waawayn oo birta shuba, waxayna ka codsadeen in la kordhiyo wax soo saarka birta ee gudaha Turkiga.

Wax soo saarka Isdemir iyo Kardemir oo bishiiba ahaa 60,000 oo la gaarsiinayo ilaa 100,000 oo tan ayaa meesha ka saaraysa ku tiirsanaanta birta lasoo dejiyo, iyadoo uu sicirka halkii xirmo oo bir ama aasto ihi uu kordhay 30%, waxaana uu tankii gaarey $900 oo doollar.

Turkiga ayaa bilaabay in ay raadiyaan dalal ay kaga maarmaan Ukraine iyo Ruushka – dhanka soo saarayaasha birta, aastada iyo aluminium-ka ee ugu waawayn adduunka, balse inkasta oo ay jiraan dalal ay ka mid yihiin Brazil, Koonfur Afrika iyo Hindiya, misna waxay doonayaan inay isku fillaadaan kharashka saadka oo sarreeya iyo adkaanta heshiisyada cusub oo la galo dartood.

Hadalsame Media