Bankiga Adduunnka oo sheegay dib u dhac ku iman kara arrimo muhim u ah Somalia haddii aan dhaqse loo helin….

0

(Hadalsame) 28 Maarso 2022 – Danjiraha Maraykanka ee Somalia, Larry Andre Jr, iyo Maareeyaha Bankiga Adduunnka, Kristina Svensson ayaa kulan yeeshay.

Waxay ka arrinsadeen halista kusoo socota dib u ajendaha habaynta dhaqaale ee dalka Somalia iyo dayn cafinta.

Dib u habaynta dhaqaale ayay sheegeen inay dib u dhici karto haddii aan dowlad cusub la helin waqtiga ku habboon ee ugu dhaqse badan.

Hay’adda IMF ayaa horay u caddaysay inay jari doonto kaalmada Somalia marka la gaaro bisha Maajo haddii aanay goortaa helin dowlad cusub.

jiitanka doorashada, caqabadaha ka imanaya hoggaankii dalka, muddo kororsiga aan sharciga ahayn ee socda iyo kalsooni xumada ka dhalatay hab-dhaqanka nidaamka jira ayaa Soomaalida dalka ka naxaysa iyo caalamka biilka ku bixiya niyad jab ku riddey.

Hadalsame Media