Itoobiya oo kashiftay inuu Turkigu ka taageerayo inay soo galaan xeebaha Somalia

0

(Addis Ababa) 28 Maarso 2022 – Saxaafadda Itoobiya ayaa sheegtay in Turkiga iyo Itoobiya ay gaareen heshiisyo dhanka ammaanka ah oo ay baddu uu jirto.

Warqaadka Addis Standard ayaa qoray in Golaha Wasiirrada DF Itoobiya ay Turkiga kula heshiiyeen inay wada sameeyaan iskaashi ciidan.

Waxaa ka mid ah dhoollatus wadajir ah iyo inay iska kaashadaan dhinaca la dagaallanka burcad badeedda, taasoo ka dhigan in Itoobiya ay doonayso inay soo gasho biyaha Somalia.

Lama oga halka ay saldhigan doonaan Ciidanka Badda Itoobiya oo ah dal bad-xiran ah, iyadoo aan sidoo kale la ogayn xogta ay madaxda Somalia ka hayaan damaca ugu dambeeya ee Itoobiya.

Hadalsame Media