Gantaalaha Patriot oo la keenay dal deris la ah Ukraine & Ruushka oo ka digey arrin uu dalkaasi ku dhaqaaqi rabo

0

(Hadalsame) 20 Maarso 2022 – Qaybaha nidaamka difaaca cirka ee Patriot ee NATO ayaa soo gaarey dalka Slovakia Axaddan, waxaana daabulkooda lagu wadaa inay sii socoto maalmaha soo socda, sida uu yiri Wasiirka Difaaca Slovakia, Jaroslav Nad.

Nidaamkan Mareykanku sameeyay ayaa dalkaa la gaynayaa, taasoo qayb ka ah dedaallada NATO ay ku dooneyso inay sare ugu qaaddo difaaca dalkan Bariga Yurub, iyadoo laga jawaabayo duullaanka millateri ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Slovakia, oo qayb ka ah NATO iyo EU, waxa ku nool 5.5 milyan oo qof, waxaanay xuduud dhererkeedu dhan yahay 100km (62-mile) la wadaagtaa Ukraine.

“Nidaamka waxaa si ku meel gaar ah loo gean doonaa saldhigga ciidamada cirka ee Sliac. Goobo kale oo dheeraad ah oo la geynayo ayaa laga fikirayaa…si ay dallada amnigu u daboosho inta ugu badan dhulka Slovakia,” ayuu Nad ku sheegay qoraal uu soo dhigay Facebook.

Nidaamka Patriot waxaa horay Bratislava u geeyey dalal xubno ka ah NATO sida Jarmalka iyo Netherlands, waxaana ku shaqayn doona isla ciidamada dalalkaasi. Ciidamada Slovakia jooga ayaa la filayaa in ay gaaraan ilaa 2,100 oo askari.

Wasiirka ayaa sheegay in Patriot uusan Slovakia u bedeli doonin gantaalihii xilligii Soofiyeedka ee S-300, laakiin uu u adeegayo sidii qayb dheeri ah oo ka mid ah difaaca hawada ee dalka, balse ay go’aankan qaateen maadaama ay S-300 woxoogaa “da’ yihiin” islamarkaana uu adkaaday iskaashi lala sameeyo Ruushka kaddib markii uu ku duuley Ukraine.

Toddobaadkii hore, Nad wuxuu sheegay in Slovakia ay diyaar u tahay inay ka jawaabto codiga Ukraine oo ay Kyiv ku wareejiso nidaamkeeda S-300, laakiin kaliya haddii loo keeno beddel habboon.

Moscow ayaase uga digtay reer Galbeedka in ay Ukraine u diraan hababka difaaca hawada sare ee casriga ah, iyadoo sheegtay in shixnadahaasi la bartilmaameedsan doono lana burburin doono, balse Wasiir Nad ma sheegin in qorshahaa ay weli maaggan yihiin iyo in kale.