DEG DEG: RW Rooble oo amar kasoo saaray kuraasida harsan & xubin laga tuuray Guddiga Doorashada Hirshabeelle

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS, Md Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sheegay inay “si dhow ula socdaan juhdina ku bixinayaan dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan” isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle

RW Rooble ayaa soo dhoweeyey isku bedelka 2 xubnood oo iskugu jira mid laga qaaday xilka iyo mid bedelaya dhanka Guddiga Doorashada Hirshabeelle.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska RW.

“Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

“Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.” Ayuu amar ku bixiyey.

Hadalsame Media