Switzerland oo ku dhaqaaqday tillaabo naadir ah oo ka dhan ah Ruushka (Lacagta ay Ruushka ka xayirtay oo ay tiradeeda shaacisay)

0

(Bern) 17 Maarso 2022 – Bangiyada Swiss-ka, oo lagu qiimeeyo qarsoodiga iyo badbaadadooda, ayaa sameeyay qiyaas naadir ah oo ku saabsan lacagaha laga hayp macaamiisha Ruushka oo cunaqabatayn lagu soo rogey Moscow sababo la xiriira hawlgallada millateri ee Ukraine.

Ururka Bangaariyada Swiss-ka (SBA) ayaa sheegay Khamiistan in ay hayaan inta u dhaxaysa 150 iyo 200 bilyan oo ah Swiss francs ($ 160- $ 213 bilyan oo doollar) oo ah lacagta macaamiisha Ruushka ee lagu hayo xisaabaadka Swiss-ka.

Muujintan ayaa ah mid aan caadi horay uga ahayn Switzerland, taas oo ay dadka hodonka ihi ku doorbidaan inay tahay goob canshuurteedu yar tahay iyo mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon ee lagu kaydsaso hantida.

Falanqeeyayaasha ayaa sidoo kale sheegaya in tirooyinkan lagu dhawaaqay ay muujinayaan in heerka dhabta ah ee ganacsiga Ruushku ku leeyahay bangiyada Swiss-ka uu aad uga badan yahay inta ay sheegaan xisaabaadka ay soo bandhigeen dhowr shirkadood oo maaliyadeed.

Iyadoo dhinac iska dhigaysa dhaqankoodii dhexdhexaadnimada, Switzerland ayaa bishii hore ku biirtay cunaqabataynta la saaray Ruushka xilli ay jirto xiisadda Ukraine, iyadoo uu Madaxweyne Ignazio Cassis uu ku dhawaaqay in waddanku xayirayo hantida Madaxweynaha Ruushka ee Vladimir Putin iyo dad gaaraya 370 oo ka kooban siyaasiyiin iyo ganacsato ah uu cunaqabatayn saaray Midowga Yurub.

Hadalsame Media