MW Ukraine oo soo bandhigay mowqifkii ugu debecsanaa tan & intii uu dagaalku bilowday (Shuruudda uu wato & Putin oo uu la kulmayo)

0

(Kyiv) 14 Maarso 2022 – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa khudbad fiidiyoow ah ku sheegay xalay in ujeedada wada xaajoodayaasha Kiev ay tahay in loo gogol xaaro kulan toos ah oo ay yeelanayaan madaxweynayaasha Ruushka iyo Ukraine, ujeedada wada hadalladuna waa in la helo dammaanad amni.

“Ergadayada waxaa la gudboon hawl cad – oo ah inay qabtaan wax kasta oo ay awoodaan si kulanka madaxweynayaashu uu u qabsoomo, kulanka waxaan hubaal ah inay dadku aad u sugayaan,” ayuu ku yiri khudbad muuqaal ah oo lagu daabacay hilinka rasmiga ah ee madaxweynaha ee dhanka Telegram.

According to him, the goal of the negotiations is to obtain “effective” security guarantees, “not like in Budapest or like on our skies,” but guarantees about which the Ukrainian side could “say: this works, these are the guarantees.”

Ukraine signed the Budapest Memorandum on Security Assurances in 1994 along with Russia, the US, and UK, in which Ukraine joined the Treaty on the Non-Proliferation of Nuclear Weapons (NPT) and agreed to give up its own nuclear armaments, while receiving security guarantees from the other sides in return.

Sida laga soo xigtey isaga, ujeedada gorgortanku waa in la helo dammaanad ammaan oo “wax ku ool ah”, “ma aha sida Budapest ama sida hawadeenna,” laakiin dammaanad qaadka kaas oo dhinaca Yukreeniyaanku uu ” dhihi karo: tani waxay shaqeynaysaa, kuwani waa dammaanado wax ku ool ah.” ayuu soo jeediyey.

Ukraine ayaa saxiixday Heshiiskii Budapest ee ku saabsanaa hubinta amnigeeda 1994-kii, iyadoo ay wehliyaan Ruushka, Maraykanka, iyo UK, kaas oo Ukraine ay ku biirtay heshiiska kahortagga Hubka Nukliyeerka (NPT) waxayna ogolaatay inay ka tanaasusho hubkeeda Nukliyeerka ah oo ay Ruushka ku wareejisey, iyada oo xilligaa loo ballanqaaday dammaanad amni oo ay ka hesho dhinacyada kale, gaar ahaan Ruushka oo aysan shuruuddani ku adkayn haddii ay Ukraine ka harto cayrsiga xubinnimada NATO.

Turkiga, oo labada dalba xiriir fiican la leh, ayaa Axaddii sheegay inuu isagu qabanqaabinayo kulan dhexmara labadan madaxwayne.

Hadalsame Media