Gaalkacyo oo uu ka dhacay “kacaan gaaban” & waxa la gudboon xildhibaannada soo baxay

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2022 – WAMAA ADRAAKA MAA GAALKACYO Gaalkacyo waxaa ka dhacday. Doorasho ka duwan midda deegaanada kale ka socotay, waqtiga codayntu waxay ahayd tii ugu dheerayd, dadka tartamayaana waxay ahaayeen kuwii ugu badnaa, codka lagu guulaystay wuxuu u dhexeeyey 50 – 60, wareegga labaad iyo saddexaad ayaa lagu kala baxayey, ergada wax dooranaysa si cadaalad ah ayay ku soo qorteen beelihii lahaa, guushuna waxay raacaysay kuwii bulshadu ay rabtay, inkastoo ay jireen musharixiin la jeclaa oo haray.

Ma ahan in aan la isku dayin in wax la musuqmaasuqo ama wax la isdaba-mariyo, mana ahan in aysan jirin dad si gaar ah maamulku u Jeclaa ama kor looga soo dhiibay, waxaa waxgaradka bulshada, musharixiintii intoodii badnayd iyo ciidamaduba ka hortageen in ka badan afar jeer isku dayo Qoorqoor uu ku doonayay wax isdaba-marin, kuwaasoo kala ahaa: Odoyaal aan kuwii saxda ahayn sidii caadada u ahayd inuu qorto, 32 ergo ah oo uu ku tilmaamay bulshada Rayidka ah inuu asagu kursi walba ka soo qorto, kala qeybin odoyaasha si Khilaaf u suurtagaliya waxa uu rabo uu u dhaco iyo isku day dib u dhigid ayuu isku dayey intaba waa uu ku fashilmay

Waxaan la yiri Wadaad wax uu maqlo waxa uu ugu jecel yahay Tuftaadii waa lagu reystay oo alle waa kaa aqbalay aqriskii iyo tahliishii aad tuftay. 5 sano oo halgan ka dib waxaa ilaahay mahadiis in reer Tolkey ay iska diideen in adeegayaasha Villa Somalia ay wax u meeriyaan, ayna muujiyeen gobonimo goobaha kale ee doorashadu ka socoto ka duwan, ayna ogaadeen saf Qoorqoor loo galo ama xafiiskiisa oo lagu dhafro ayadoo kursi la weydiisanyo in aan kursi lagu heleyn.

Kuraasta qaar Gaalkacyo yaalla in ay daahfurnaadaan ma ahan wax Qoorqoor looga mahadceliyo ama uu ka danbeeyey, waayo Qoorqoor haddii uu fiican yahay kuwa kale ee Gaalkacyo yaalla ayuu furi lahaa ama si cadaalad ah u maamuli lahaa, waxaa abaalkaas leh musharixiintii kuraastaas, waxgaradka qaarkood iyo ciidamada geesiyada ah oo kaalin weyn qaaatay, waxa loo sameeyey ciidamada waxay ahaayeen in ay Cadow deegaankaas soo weeraray ka difaacaan laakin ma jiro Cadow ka weyn nin isku dayayo in uu ciddii kugu matali lahayd barlamaanka uu asagu kuu qoro.

Ugu danbayn, xildhibaanada sharaftaas ku soo baxay waxaan kula dardaarmayaa in 4 sano ee kalsoonida bulshadooda la siiyey ay ku shaqeeyaan fikirka bulshadooda, ka warqabaan baahiyada deegeenada, ku metelaan si sharaf leh, kana ilaaliyaan wax kasta oo ayaga iyo bulshadii ay mataleeyeen iyo qaranka Soomaaliyaba sharaf dhac ku ah.

W; Q: Axmed M. Fiqi

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media