RASMI: Xulka Talyaaniga oo u wareegaya shirkadda Adidas kaddib sanado badan oo Puma qalabaynaysey

0

(Milano) 10 Feb 2022 – XIriirka K/cagta Talyaaniga (FIGC) ayaa si rasmi ah heshiis ula kacay Adidas taasoo soo afjartay 20 sanadood oo ay sidatey maaliyadda PUMA (XETRA:PUM.DE -3.08%) .

Weli tafaasiil badan lama dhiibin balse Azzurri waxay Puma xiranayaan ugu dambayn ilaa  2022 FIFA World Cup ee Qatar — haddii ay soo baxaan, sida ay qortay Footy Headlines, iyadoo ay sanadkii bixinayaan €23-35m EURO, taasoo ka badan €19m EURO oo ay bixinaysey PUMA.

War rasmi ah oo kasoo baxay Agaasimaha Adidas ee Kasper Rørsted ayaa lagu soo sheegay in Italy ay ku biireen dalalka waawayn sida DFB (Germany), RFEF (Spain), AFA (Argentina) & RBFA (Belgium) ee ku lebista Adidas.

Azzuri ayay Adidas qalabayn jirtey min 1974 ilaa 1978, iyadoo ay Dino Zoff, Fabio Capello iyo Antonio Cabrini ay Italy keeneen kaalinta 4-aad KA1978.

Hadalsame Media

Hadalsame Media