Kaddib xayiraadda hantida milkiilaha Chelsea 4 arrimood oo laga mamnuucay Chelsea

0

(London) 10 Maarso 2022 – Hantida milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovich ayaa xayiraad lagusoo rogey, kaddib amar kasoo baxay Dowladda UK.

Waxay taasi ka dhigan tahay in Chelsea aysan si caadi ah u wadi kari doonin howlihii caadiga ahaa iyadoo aan xitaa tigidho iibin karin marka laga reebo dadka haysta tigidhada fasalka oo idil.

Waxyaabaha aan hadda kaddib Chelsea loo ogolayn ilaa amar dambe waxaa ka mid ah:

▪️ Inaan la iibin doonin tigidho dambe guri iyo dibedba
▪️ Tigidhada fasalka ee horay loo shubay waa sidoodii, sidoo kale kooxdu waxay heli doontaa lacagaha TV-ga
▪️ Agabka kooxda sida funaanadaha iwm lama iibin doono
▪️ Laacibiin ma iibin karto mana soo iibsan karto, sidoo kale kooxdana lama iibin karo naadi ahaan.
▪️ Lama cusboonaysiin karo qandaraasyada laacibiinta

Hadalsame Media