QM oo gebi ahaanba bedeshey cinwaan-siinta dagaalka Ukraine (Tibxaha ay u adeegsan doonto & kuwa ay mamnuucday)

0

(New York) 09 Maarso 2022 – Qaramada Midoobay ayaa shaqaalaheeda ka mamnuucday inay colaadda Ukraine ku tilmaamaan “dagaal” ama “duullaan”, waxayna ka mamnuucday inay calanka Ukraine saaraan baraha ay bulshadu ku xiriirto, sida uu qorayo Irish Times oo shalay warbixin ka qoray.

Xilliyadan oo kale, ayaa la sheegay in QM ay ku wargelisey shaqaalaheeda in ay “mas’uuliyadi ka saaran tahay dhexdhexaadnimada”.

Iimayl ay u dirtay shaqaalaha Isniintii, Waaxda Warfaafinta ee Qaramada Midoobay ayaa lagu soo warramayaa inay dejisey “tusaaleyaal gaar ah iyo hab-raacyo khuseeya luuqadda ay tahay in la isticmaalo / ama aan la isticmaalin xilligan.”

“[Isticmaal] ‘isku dhac’ ama ‘weerar millatari’ balse MA AHA ‘dagaal’ ama ‘duullaan’ marka la tixraacayo xaaladda Ukraine,” iimaylka shaqaalaha loogu digayey ayaa sidaa u akhrismayey.

”Ha ku darin calanka Ukraine degellada baraha bulshada ee shakhsiga ah iyo xitaa kuwa rasmiga ah. Tani waa xasuusin muhiim ah in annaga, ka shaqaalaha rayidka ah ee caalamiga ah ahaan, ay mas’uuliyadi naga saaran tahay in aan dhexdhexaad ka noqonno…waxaa jirta suurtagalnimo wayn oo ah khatar sumcadeed oo ay calaamadeeyeen mas’uuliyiin sarsare dhowaan.” ayaa la raaciyey.

Si kastaba, hay’ado iyo xiriirro caalami ahaa ayaa mar hore lumiyey dhexdhexaadnimadii waxaana xitaa ka mid ah kuwii ciyaaraha sida FIFA, UEFA iwm, kuwaasoo Ruushka ka eryey tartamada kooxeed iyo kuwa caalami, wax loo arkay labo-wejiilayntii ugu ballaarnayd qarnigan, maadaama ay horay u mamnuuci jireen in siyaasaddu daakhusho ciyaaraha.

Hadalsame Media