Erdoğan oo doonaya inuu Ruushka kula macaamilo qaab aysan jeclaan doonin reer Galbeedku

0

(Moscow) 09 Maarso 2022 – In ganacsiga lagu fuliyo lacagaha maxalliga ah ayaa ka mid ahaa waxyaabihii laga wada hadlay intii uu socday wadahadal khadka taleefoonka ku dhexmaray Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, sida lagu sheegay tafaasiil dhowaan la shaaciyey.

Erdogan ayaa wuxuu Putin u sheegay in Turkigu uu diyaar u yahay inuu gacan ka gaysto xallinta dhibaatada Ukraine iyadoo loo marayo hab nabdoon sida ugu dhaqsaha badan.

Dhanka kale, sida ay sheegayaan wararka laga helayo ilo-wareedyo ka tirsan Xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AK Party) ee talada haya, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha lacagaha iyo ganacsiga ee labada dal.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Erdogan uu Putin u sheegay in marka laga reebo lacagayoowga Euro iyo doollarka, ganacsiga labada dal lagu sameyn karo lacagta Ruushka Ruble-ka iyo Yuan-ka Shiinaha.

“Waxaan xitaa ganacsiga ku samayn karnaa dahab.” ayaa laga soo xigtay inuu u jeediyey.

Moscow ayaa haatan waxay u badan tahay inay raadsato biddaal kale maadaama cunaqabataynta reer Galbeedku ay ka saareen dhowr bangi oo Ruush ah oo ay ka saareen shabakadda lacag-bixinta caalamiga ah ee SWIFT oo u Ruushku doonayo inuu helo qaab kale oo uu uga maarmo.

Tillaabadan ayaan cajabin doonin reer Galbeedka oo haatan dunida oo idil ku cadaadinaya inay la collowdo Ruushka, waloow Turkiga oo NATO ka tirsan ay weli tegi karaan xitaa duullimaadyada Ruushku.

Hadalsame Media