Warbixin ku saabsan jabka Ruushka ka gaarey dagaalka Ukraine & Turkiga oo u biisay dhib uu Libya ku gaarsiiyey + Sawirro & Muuqaal

0

(Kyiv) 03 Maarso 2022 – Askarta Ukraine ayaa lagu soo waramayaa inay qabsadeen boqollaal baabuurta dagaalka ee Ruushka ah, oo ay ku jiraan T-90 oo ah taangiyada dagaalka ugu wayn, madaafiicda is wada ee 2S19 Msta-S, Lynx, hannaanka daafaca cirka ee Pantsir-S1 SPAAGM iyo baabuurta gaashaaman ee Typhoon.

Waxa la yaab leh ayaa ahayd in millateriga Ruushku uu ka cararo xitaa nidaamyada difaaca hawada ee ugu horumarsan marka la eego dagaal u diyaarsanaanta markii ay arkaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Ciidanka Yukreeniyaan ayaa weeraray ama qabsaday nidaamyada Gantaalada Tor-M2 ee cir-ilaa-cir, Pantsir-S1 oo sida habka gantaalaha lidka-diyaaradaha ee is-hagaamiya (SPAAGM) oo sida hoos ka muuqata dhiiqo inta galay looga cararay, Buk-M1 oo ah habka gantaalaha cir-ilaa-cir.

Ilaha qaar ayaa ku waramaya in Bayraktar TB2 oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka Turki-sameega ihi ay sidoo kale burburisay nidaamka gantaalaha hawada ee Ruushka ee S-300 aagga koonfurta Ukraine, balse ma jirto wax caddaynaya arrintan oo madaxbannaan. destroyed – 154, damaged – 8, abandoned – 82, captured – 107.

Sida Oryx Blog uu horay u sheegay, Ruushku waxay durba lumiyeen 353 baabuur dagaal iyo diyaarado iskugu jira, kuwaasoo iskugu jira: 154 la burburiyey, 8 la waxyeelleeyey,  – 82 laga tegey, iyo 107 la qabsaday, tan iyo 24-kii Febraayo markii uu Madaxweynaha Ruushka ee Putin uu ku dhawaaqay faragelin millateri oo lagu sameeyay Ukraine, maalmo kaddib markii uu 2 dal u aqoonsaday gobolka Donbas ee Ukraine.

Hadalsame Media