Somalia oo bandhig diblomaasiyadeed oo lagu wareerayo ku wajahdey khilaafka Ruushka & reer Galbeedka

0

(Hadalsame) 03 Maarso 2022 – DF Somalia ayaa u muuqata mid ku jahawareersan mowqif micne leh oo ku aaddan khilaafka Ruushka iyo Galbeedka, tiiyoo ay jirto inuusan wax wayn haatan ka goynin fagaarayaasha caalamka marka la eego wadciga maxalliga ah ee Somalia oo saamaynaya maqaamkeeda caalamiga ah.

Somalia ayaa shalay 2 kulan oo ay wada qabatay QM oo uu mid ahaa shir uu yeeshay Golaha Xuquuqda Aadanaha midna Golaha Guud ee QM ka kala qaadatay 2 go’aan oo is yara diiddan.

Kalfadhiga 49-aad Golaha Xuquuqul Insaanka QM ee Geneva oo ah kulan lagu eegayo “xaaladda xuquuqul insaanka Ukraine”, ayay  Somalia oo ka mid ahayd dalalkii gooyey si aysan uga qaybgelin qaraarka cambaaraynta Ruushka.

Qaraar kasta ayaa u baahan 3 meelood iyo hal meel ka mid ah 47-da xubnood ee Golahan taasoo shuruud ah si kulanka loogu fariisto.

Yeelkeede, isla shalay gelinkii dambe ayay Somalia oo ka mid ahayd dalalkii ka qaybgalay kulan kale oo uu iskugu yimi Golaha Guud ee QM, waxaa kasoo baxay moowqif kale.

Somalia ayaa runtii ku jirtey 141 dal oo u codeeyey qaraar cambaaraynaya dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine, kuwaasoo sidoo kale ugu baaqay inuu deg deg ciidamadiisa ugala baxo halkaasi.

Dadka ayaa haddaba la yaaban sababta Somalia ku khasabtay inay dunida la timaado siyaasad gebi dhaclaynaysa oo aan micne samaynayn iyadoo waloow aanu dalku marna yeelan siyaasad gudeed iyo mid dibadeed oo fadhida sida ka muuqata taariikhda dalka oo NATO & WARSAW u kala gudbayey 70meeyadii, aanay misna horay u dhicin hal maalin iyo 2 moowqif oo u kala jeeda bari iyo galbeed.

Dad badan ayaa qaba in mowqifka Somalia ee ugu fiicani yahay inay ugu yaraan ka gaabsato meelaha lagu codaynayo sida ay yeeleen dalal ay Hindiya ka mid tahay oo xiriir fiican la leh labada dhinacba.

Hadalsame Media