Ruushka oo diyaarado dagaal soo geliyey hawada Sweden & miigag loo diray + Sawirro

0

(Gotland) 03 Maarso 2022 – Dayuuradaha dagaalka Ruushka ayaa kusoo xadgudbey hawads Sweden, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Sweden, Carl-Johan Edström oo bayaan soo dhigay webka Wasaaradda Difaaca.

Ciidanka Cirka Sweden oo kiciyey dayuuradaha dagaalka Jas 39 Gripen si ay hawadooda uga gelbiyaan diyaaradaha Ruushka ayaa sidoo kale sawirro ka qaaday, sida lagu qoray Aftonbladet.

“Waxay tani muujinaysaa heegankeenna. Waxaan u joognaa ilaalinta qiyamka dhuleed iyo madaxbannaanida xadka Sweden.” Ayuu yiri Carl-Johan Edström oo tillaabadan ku sheegay mid bilaa xirfad ah.

Diyaaradaha Ruushka oo 4 ahaa ayaa kala ahaa 2 SU 27 iyo 2 SU 24, waxayna soo galeen hawada biyaha Badda Baaltigga ee bariga gasiiradda Gotland.

Wasiirka Difaaca Sweden, Peter Hultqvist (S), ayaa Wakaaladda Wararka TT u sheegay in aan tillaabadan marna la aqbali karin oo ay qaadayaan tillaabooyin diblomaasiyadeed oo cad cad si loo xushmeeyo madaxbannaanida Sweden.

Hadalsame Media