Cabsi laga qabo in Shiinuhu ku duulo oo qabsado Taiwan (Maraykanka oo falax-gooddin sameeyey)

0

(Tokyo) 03 Maarso 2022 – Ciidanka Cirka Maraykanka ayaa saldhig-cireed ku yaalla dalka Japan kusoo bandhigay daraasiin diyaarado dagaal ah si uu Shiinaha uga shuushiyo inay ku duulaan Taiwan.

Bandhiggan falax-gooddinta ah oo ka dhacay Kadena Air Base, oo lagu tilmaamay “laylo joogto ah” ayaa imanaya 2 maalmood uun kaddib markii uu MW Joe Biden dhowr sarkaal oo millateri ah u diray jasiiraddan si uu taageero ugu muujiyo.

Waxaa se jirta cabsi isasoo taraysa oo ku saabsan in Shiinaha oo ka qalin daaranaya duullaanka Ruushka ee Ukraine uu weerar ku qaado jasiiraddan ku fallaagowdey.

Ciidamada Maraykanka ayaa sameeyey wax lagu magacaabo ‘Socodka Maroodiga’ – oo ah tibix loo adeegsado marka raxan dayuurado ah oo ciidan la isu keeno ee ay dhabbaha mar qura wada qaadaan kahor inta aanay duulin.

Shaxda dayuuradahan ayaa ka koobnaa laba qaybood oo kala ah – 2 dersan oo ah F-15 iyo kuwa qumaatiga u duula ee HH-60 Pave Hawk oo marka la isu geeyo ku fadhiyo wax xoogaa ka badan hal bilyan.

Dayuuradaha miigagga ah ayaa waxaa kala leh ururrada 44aad iyo kan 67aad ee Ciidanka Cirka kuwaasoo loo kala yaqaan Vampires iyo Fighting Cocks, sida ay u kala horreeyaan, halka helakabtarrada ay leeyihiin qaybta 33aad ee Gurmadka ee Rescue Squadron, kuwaasoo uu halkudheggoodu yahay ‘That Others May Live.’

Ciidamadan ayaa waxaa sidoo kale ju jirey dayuuradda booyadda ah ee $50milyan ku fadhisa ee KC-135 Stratotanker oo ka tirsan qaybta 909aad ee Shidaal Siinta Hawada, iyo midda $270milyan joogta ee E-3 Sentry oo ah talis-cireed guuraya oo ay wax kasta u dhan yihiin.

Cudud muujintan ayaa imanaysa xilli uu bilo socdo dhaqan hujuumi ah oo uu Shiinuhu ku wado Taiwan taasoo ay ku jirto 9 dayuuradood oo Khamiistii galay hawada jasiiradda – isla maalintii uu Ruushku ku duulay dalka Ukraine.

Hadalsame Media