Ukraine oo markii ugu horreeysey sheegtay inay duqayn karto dal aan Ruushka ahayn (Jawaab ka timid dalkaasi)

0

(Kiev) 01 Maarso 2022 – Kiev ayaa sheegtay in “sida cad” ay weerar kahortag ah oo gantaalo ah ku qaadi karto dalka deriska la eh ee Belarus, sida uu sheegayo Xoghayaha Guud ee Golaha Ammaanka Ukraine, Alexey Danilov.

“Haddii loo baahdo, haddii uu Abaanduulku go’aankan gaaro, sidaas ayaa la yeelayaa,” ayuu Danilov u sheegay hilinka Ukraine 24.

Hanjabaaddan ayaa imanaysa kaddib markii ay soo noqnoqdeen warar sheegaya in Ciidamada Belarusia ay ku jiraan dagaalka Ukraine iyagoo la socda Ruushka, waloow ay Minsk arrintaa dhowr jeer beenisey, sida uu maanta oo ugu dambaysey ku celiyey MW Alexander Lukashenko.

Yeelkeede, waloow uu Lukashenko sheegay inay weli dhexdhexaad ka yihiim duullaanka Ruushka oo laakiin qaybta ugu daran laga soo qaadayo gudaha dalkiisa, misna wuxuu ka digey in dalkiisa loo gooddiyo oo uu is difaacayo haddii loo baahdo.

“Ciidamadu waa diyaar, qof kasta waa diyaar, muddo 2-3 maalmood ah waxaan heegan ku gelin karnaa dhammaanba qaybaha ciidanka.” ayuu yiri Lukashenko.

Hadalsame Media